Mucjiso: Nin Meeshuu Istagaba uu Dab Ka Holcaayo

Nin aan Garanayo Wuxu Ii sheegay in Xaalad Mucjiso ah ka taagan Tahay Deegaan ka Tirsan Gobolka Sanaag Gaar ahaan Meel Si aad ugu Dhow Deegaanka BARAAGAHA QOL Wuxuuna isiiyay Dhowr Telfon iyo Magacyo uu Yiri Wac Isaga oo Warbixintana iigu Sheegay Nin Dab Ka holcayo Meeshii uu istaagaba.

MucjisoIntaas Ka dib Waxaan Bilaabay Wicitaanka Telfonadii laysiiyay Kuwaasi oo dhamaantood ii Bixi Waayay Laakn Abaayo 9:00pm Fiidnimo ayaan Helay Mid ka mid ah Talfoonadii Waxaana iiga waramay Siday Wax u Jiraan

Axmed Barre oo ah Ninka ii waramaya Ayaa Ii shegay inuu Joogo Meesha Xaaladu ka Taagan Tahay oo ah Dhul Miyi ah oo la Yiraahdo HIGLO GOOL oo u Dhaxeysa Dhahar iyo Baraagaha Islamarkaasina ay la kulmeen Arin Mucjiso ah Taasi oo ah Dab iska kacaya oo aan la ogeyn Sida uu ku bilaabanayo Kaasi oo si gaar ah u Daba Taagan Reer Dhulkaas Degan Odayga Aabaha u ah Kaasi oo da’ahaan ka weyn 70 Jir.

Axmed Waxaa Kaloo uu ii sheegay Inay Ahaayeen Gurmad U socday Reerkan Islamarkaasina Alaab ay u sideen u dhigeen Guri kale oo isla Degsiimada ku Yaalay ka dibna waxaa gurigii Qabsaday Alaabta Gurmadka ah Tiilay Dab Hor Leh kaasi oo Baabashay Wixii agab ahaa ee horey u yaalay iyo wixii la Keenayba.

Axmed Barre Oo arintan mucsijada ah iiga waramay Wuxuu yiri Sheekh Guriga Quraan ku akhrinayay ayaa Waxaa u Maqlay Guux isaga oo moodaya Gaari Markuu Dibada u soo Baxayna Waxaa Arlada Haysta Dab (SUBXAANALLAAH)……..

Axmed Barre Wuxuu ku Tilmaamay Ninkan nin Iimaan Leh oo aan Dhib lagu Aqoon (EEBE AYAASE XAAL OG)

WARBIXINADA KALE EE AAN HELAY INTA AAN DABA SOCDAY OGAASHA XAALADAN…!!!

Nin Booyad watay oo Dabcay inuu Damiyo Dabka Dhulka ka cay oo Markii uu Booyadii Tuubadii ku Jeediyay Dabkii arkay Dab Hor leh oo ka kacay Gaarigiisa Hoostiisa Yaaaaaaaaaaab Naxdin iyo Carar baa ku dhacay

Dadka Qaar waxay Leeyihiin Ninkani Waxaa Xilliyada Qaar Lagu Shubaa Biyo Qabow Dadka la Joogaa Waa arki Karaan Biyahaas laakiin Cida Ku shubeysan Maya

Dadku Waxay ii sheegeen in Mudada Maalmaha ah ee Ninkani Xaalad Haysto ay ka Gubteen ilaa Dhowr Goobood uu Dejiyay Reerkiisa iyo Xoolihiiba

Akhristayaal Dhacdadan Waa Xaqiiq Marka Loo Eego Dadka Warkan Isiiyay Laakiin Rabi Baa wax Og Subxnaalahaa Eebe Ha ina Waafajiyo Towfiiqda

DUULNEWS

INTERNATIONAL

JAMAL SH. CUMAR

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>