Xikmada Gabadh lakala dooransiiyay, Saygeeda wiilkeeda iyo walalkeed

DUULNEWSWakhti kamida Wakhtigii Dawladii Umaawiyiinta, malin maalmaha kamida ayaa hogaamiyihii ama Amiirkii ka talin jiray dawladii Umaawiyiinta Xijaaj Binu Yousuf, oo ku caan ahaa axmaqnimo iyo laynta shacbigiisa waxa uu ciidankiisu caganta ku soo dhigeen Saddex nin, Waxa isla markiiba lagu xukumay dil toogasho.

markii la keenay Goobtii lagu dili lahaa shacab Badana goob joog ka ahaayeen amiirkuna uu dawanaya dhacdada iyo sida loo dilayo, waxa uu Amiirku isha ku Dhuftay gabadh shacbiga daawanayay kamida oo aad u qurux badan aadna u ooyaysa wajigeedana iyo murugo ka muuqato, Amiirkii inta uu jaleecay ooo u yeedhay ayaaa uu waydiiyay waxa ka oohiyay, waxay ku jawaabtay Saddexda nin ee goobtan lagu dilayo mid waa Sayigaygii, midna waa Wiilkaygii kan kalena waa Walaalkay.

Boqorkii inta uu u soo yara dabcay isgoo taaga naxariis u muujinaaya ayuu yidhi Saddexda nin mid ka dooro labada kal waan dilayaa.
intii ay ka fikiraysay qof walba oo goob joog ahaa waxa niyada ku qabtay inay dooran doonto Wiilkeeda waayo hooyo waliba way jeceshahay ubadkeeda, hasa yeeshee jawaabtii ay bixisay way ka duwanayd taas waxay dooratay Walaalkeed, Boqorkii ayaa waydiiyay sirta ku duugan ee ay dooratay walaalkeed.
waxay ku jawaabtay hadii ninkaygu dhito nin kale waan heli karaa, Hadii uu wiilkaygu dhintana wiil kale wan heli kara hadii Alle ii qoray, Lkn Walalkay haduu dhinto ma heli doona walaal dambe sababtoo hooyayday aabahay beri hore ayay dhinteen isga ayaa Abbe iyo Hoyaba ii ah.

intaa kaib Boqorkii waxa uu amray in la siidaayo Saddexdaba, sidiibana loogu siidayay Saddexdii nin.

Akriste hadiiba adiga lagu waydiiyo kala doora Saddexdaa qof keebad dooran lahayd ? jawaabtu waa xagaaga.

Diyaariye Deeq Osman Dahir

Duulnews.com.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>