KULMIYE: Awrkii Heeryadiisa Cunay: Jamaal Madar

Picture217-280x300Tan iyo intii uu xisbiga KULMIYE uu talada waddanka gacanta ku dhigay, masuuliyiinta xukuumadda KULMIYE waxay si hoose ahaana u wadeen olole lagu xaraashayo hantida ma-guuraanka ah (fixed Assets) ee shacabka Somaliland ay ammaanada ugu dhiibteen muddada kooban ee talada waddanka loo igmaday.

Sunnuhu wuxuu ahaan jiray illaa iyo isticmaarkii Ingiriiska iyo wixii xukuumado ka danbeeyeyba in ammaanada hantida ah ee loo dhiibto xukuumadda ay ummaddu sideeda dib ugu soo celiso marka muddada awoodda loo siiyey inay waddanka xukunto ay ka dhammaato haddii aanay hagaajinayn ama wax ku darayn intay tiradoodu ahayd markii hore. Bal iska daa wax ay hagaajiyaan ama wax ay ku daraan intii hore eh, waxa haatan cad oo markhaati ma doonto ah in xukuumaddan KULMIYE aan loogu imanayn ammaanadii loo dhiibtay oo maalin walba warshad, dhul iyo xafiisyo ummadda muslimiintu ay leedahay la xaraashayo. Sidaa awgeed, KULMIYE wuxuu noqday awrkii heeryadiisa cunay oo waxba looma dhiiban karo.

Xukuumaddani waxay ku faantaa wasaarado ayaanu dhisnay laakiinse waxaad xisaabta ku darsataa in wasiirada ku hoos jira dhismayaasha quruxda badan ay iyaguna guryo la’yihiin (homeless) oo ay ku jiraan guryo kiro ah ama hudheelo ay xukuumaddu lacag ka bixiso.

Xukuumaddu waxay ku faantaa miisaaniyaddii waddanka waanu laban laabnay oo 250 milyan iyo hodhodho’ ayaanu gaadhsiinay haddana meel bay caydh ka tahay oo guryihii, dhulkii, warshadihii iyo xafiisyadii dowladda ee ammaanada ku ahaa ee ay ummaddu u dhiibatay ayey sida aboorka ku baxeen.

Xukuumaddu waxay ku faantaa inay mashaariic aad u fara badan ay waddanka ka hirgeliyeen oo lacag badani ku baxday, dhawaanna madaxweynuhu wuxuu waddanka ku soo maray socdaal dheer oo uu meel kasta soo dhagax-dhigay mashruuc cusub oo lacag fara badan ku bixi doonto haddana xukuumaddu meel bay fakhri ka tahay oo lacag bay u weyday ay laba jenaraytar oo kuwa laydhka ah [power generators] ay ugu soo iibiso warshadda laydhka ee Hargeysa.  Dabcan lacag looma waayin waxaas oo dhan laakiinse dadbaa lagu naas noojinayaa iyo xoogaa komishan ah oo laga qaato oo jeebka lagu shubto. Haddaba, ololaha lagu xaraashayo hantida ummadda ee dhul, warshado, xafiisyo iyo guryaba leh waxa ugu weyn xaraashka haatan lala damacsanyahay in lagu xaraasho dekedda Berbera. Isla markii ay masuuliyiinta xukuumaddani qabteen talada waddanka waxay iyagoo haliilaya bilaabaan inay bal marka hore si deg deg ah u xaraashaan dekedda Berbera oo ay u arkayeen halka uu komishanka ugu weyni ku jiro taasoo ay la damacsanaayeen inay ka iibiyaan sharikadda la yidhaahdo Bollore Africa Logistics oo laga leeyahay waddanka Faransiiska.  Laakiinse ujeedada dhabta ah ee ay sharikadda Bollore Africa Logistics iyo Ethiopia ka damacsanyihiin la wareegidda dekedda Berbera waxaad moodaa inaanay u caddeyn masuuliyiinta xukuumadda KULMIYE ama aanay garanayn amase is-yeel yeelayaan. Bal hadda aad ugu fiirso warbixintan hoos ku qoran:

Bishii September 9dii, 2010 wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee dalka Shiinaha ee loo yaqaan Xinhua (Shiinhuwaa) ayaa soo daabacday warbixin u dhignayd sidan:  “Sharikadda Faransiiska ah ee loo yaqaan Bollore Africa Logistics ayaa  ku guulaysatay qandaraas lagu hormarinayo dekedda Berbera ee Jamhuuriyadda isku sheegtay Somaliland si waddanka Ethiopia oo ah dhul soo xidhan oo aan bad lahayn looga caawiyo baahida ay u qabaan adeegyada xagga badda iyo dekeddaha”.

Dominique Lafont oo ah Madaxa Sharikadda Bollore Africa Logistics ayaa wuxuu kaga dhawaaqay magaalada Nairobi in dekedda Berbera ay Ethiopia wax weyn u tari doonto, xukuumadda Somaliland-na uu qadhiidh xagga kirida dekedda ah [income stream] uu ka soo geli doono.

Mar wax laga weydiiyey ujeedada ay ka damacsan yihiin la wareegidda Dekedda Berbera, Dominique Lafont waxa si lama filaan ah uga soo dhacday oo uu yidhi, “ Waxaanu u hagaajinaynaa dekeddan [Berbera] si ay Ethiopia ugu noqoto Dekad Qaran [We shall be setting the port up [Berbera] as the national port of Ethiopia]”.

Waxa la yidhi wixii uurkaaga ku jira ayuu afkaagu kaa xadaa. Si lama filaan ah ayuu hadalkaasi uga soo dhacay Dominique Lafont. Waxa halkaa ka cad in haddii Sharikaddaas Bollore Africa Logistics gacanta loo geliyo Dekedda Berbera in xorriyadda iyo madax bannaanidda aynu u leenahay immika ay meesha ka baxayso marka dambena ay ku dambeynayso inay noqoto Dekedda Qaranka ee Ethiopia.

Waxa dekedda Berbera ku loolamaya sharikado Carbeed iyo sharikaddan Faransiiska ah ee Bollore Africa Logistics oo mid waliba laaluush ku bixinayso in shilimaad yar lagaga iibiyo iyadoo masuuliyiinta Somaliland aanay maskaxda ku haynin cawaaqibka qotada dheer ee uu go’aanka noocan ahi ku yeelan karo mustaqbalka waddanka iyo shacabkaba. Bishii January 20dii, 2014  Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Marwadda Koowaad ee Somaliland Aamina Waris Sh. Maxamed Jirde, Wasiirkii Hore ee Ganacsiga Maxamed Cabdillaahi, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Maxamed BiixiYoonis, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire, Maareeyaha Dekedda Berbera Cali Xoor Xoor ayaa xarunta Paris ee waddanka Faransiiska kula kulmay saraakiil ka tirsan sharikadda Bollore Africa Logistics iyadoo madaxweynaha oo khabar maafish ah dabada laga riixayey inuu saxiixa ku duugo heshiiska dekedda lagu wareejinayo. Hase ahaatee, madaxweynuhu markuu arkay xaaladdu siday tahay xag Alle ayuu wis-wis iyo shaki uga galay nooca heshiiska ee laga saxiixanayo, waanay suura geli weyday markaas inuu heshiiska saxiixo. Hase ahaatee, weli lagama hadhin inuu saxiixo heshiiska waayo dad haliilaya oo komishan doonaya ayaa daba socda oo qaranimada Somaliland aanay macno la lahayn. Bollore waa sharikad aad u weyn haddii ay sidaa ugu xiiso qabto inay gacant ku dhigaan dekedda Berbera maxay xukuumaddeenu u weydiisan weyday in dowladda Faransiiska ay marka hore ka soo dhammeeyaan inay aqoonsato Somaliland si markaas heshiiskan loo wada galo  sida heshiisyada caalamiga ah.

Maxaa dhici kara haddii heshiiska la kala saxiixdo:

Horta heshiis waxa wada gala laba waddan oo isku mustawi ah oo labadaba caalamku aqoonsan yahay oo haddii heshiiskooda waxa ka qaldamaan maxkamadda caalamka iyo dowlado kale oo dhexdhexaadiya ay isula tegi karaan.

Somaliland oo aan la aqoonsan heshiiska ay gasho wax ka soo qaad ma leh waayo Somaliland ma aha waddan caalamka laga ictiraafsan yahay markaa meel aad u ashtakootaa ma jirto.

Haddii ashtakaba lagaa aqbalo waxa lala tashanayaa dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee caalamku u ictiraafsanyahay inay Dekedda Berbera masuul ka tahay waayo indhaha caalamka Somaliland waxay ka tirsantahay Soomaaliya.

Haddii la wareejiyo Dekedda Berbera waa halka lagaa cunaqabatayn karo inaanad qaran dambe oo Somaliland la yidhaahdo aanad noqon. Mushahaarada ciidamada iyo shaqaalaha ayaa qiiql qiil kaa geli karta; xorriyad uma haysan doontid inaad cashuurto kordhiso ama yaraysid, shaqaalaha la qorayo iyo maamulka dekedda ayaa muran ka iman doonaa.

Haddii uu heshiisku u cuntami waayo reer Somaliland oo ay is-waal waalaan ciidamo Ethiopian ah ayaa dekedda la soo gelin karaa oo ay ku ilaaliyaan danahooda adigana dibadda ayaa laad lagaaga saarayaa, heshiiskana Soomaaliya ayaa laga soo sharci garaysanayaa kaas ayaana shaqaynayaa hadhowto.

Haddii ay qaranimada daacad u yihiin oo aanay komishanka lacagta ah daacad u ahayn maxay xukuumaddu uga baqanaysaa in heshiiskaa la mariyo baarlamanka oo laga falanqoodo inuu ummadda dan u yahay iyo inkale. Maxaa xisbiyada mucaaradka loogala tashan waayay hadday qaranka dan u tahay? Waayo dad baan doonayn qaranimada ee komishanka doonaya!

Ethiopia ha istimaasho dekedda Berbera, iyadoo ay dekeddu Somaliland gacanta ugu jirto laakiinse ammaanada ummaddu u dhiibatay xukuumadda KULMIYE waa in sidii loogu dhiibtay ay ummadda ugu soo celiyaan. Ma aha inta ay ajnabi gacanta u geliyaan inay far yaro bidix ka baxaan oo dekedduna hadhowto muran ku dambeyso.

Xusuuso hadalka Madaxa Sharikadda Bollore Africa Logistics, Dominique Lafont, uu yidhi: “ Waxaanu u hagaajinaynaa dekeddan [Berbera] si ay Ethiopia ugu noqoto Dekad Qaran [We shall be setting the port up [Berbera] as the national port of Ethiopia”.

Bollore Africa Logistics waa sidaa aynu soo sheegnay xaalkeedu. Carabta is-daba yaacaysa ee daftarada waaweyn sidatana hadalkeeda daa. Waxay u socdaan inay Berbera xidhaan oo aan marnaba dekadooda aanay deked kale oo mandaqada ka dhow aanay mustaqbalka tartan la gelin Dubai Port.  Dekedda oo la kireeyaa waxay la mid tahay Somaliland oo la iibiyey. Heshiiskani kiro  maaha ee waa iibin ee waddanka ma komishan yar oo laga qaato ayaa la siisanaya?

Jamal Madar

London,

United Kingdom.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>