Obama oo ka fikirayo hubeynta Ukraine

140918211733_president_obama_meets_with_ukraines_president_petro_poroshenko_at_the_white_house_624x351_gettyMadaxweynaha Mareykanka Barack Obama, ayaa sheegay in dalkiisa uu ka fikirayo in uu hub u diro dowladda Ukraine, si ay uga hortagto xooggaga gooni u goosadka ah ee uu Ruushka taageero.

Mr Obama ayaa sheegay in haddii uu guul dareysto dadaalka diblomaasiyadeed ee ay wadaanka hoggaamiyayaasha Jarmalka iyo Faransiiska, aanu dalkiisa dhowran doonin xuduudaha Yurub oo qori caaradii lagu qaato.

Madaxweyne Obama ayaa hadalkan jeediyay kaddib kulan uu la qaatay hoggaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel.

Merkel ayaa sheegtay in ay ka horjeedo cudud milateri oo loo adeegsado xal u raadinta dagaalka bariga Ukraine, waxaana ay sheegtay in loo baahan yahay dadaal dheeri ah oo lagu bixiyo diblomaasiyada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>