“26-ka June, Maalinta Gobonimada”. Wasiir Xirsi

Hargaysa: (Duulnews)-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda JSL, MD. Xirsi Cali X. Xasan,ayaa shacabka reer Somaliland ku hanbalyeey Munaasibadda qaran ee 26 June.

 

Qoraal kooban oo u ku baahiyay bartiisa xidhiidhka Bulshadda ee FACEBOOK,ayaa u dhignaa sida tan:

 

 

“Shacabka xorta iyo xariirta ah ee reer Somaliland waxaan uugu Hambalyeynaya maalinta Gobonimada

 

Waxaa laga joogaa 55sano oo ku beegan 1960-kii kadib markii Somaliland Xoriyada ka heshay Maxmiyadii Ingriiska “British Protectorate”

 

Isla sanadkaa 1960-ka oo ahaa sanad ku suntan dhaqdhaaqii goboinimo doonka Africa “Pan Africanism Movement” ayey nasiib wanaag Somaliland kamid noqotay dalalkii laydha xornimadu martay ee helay ciid xor ah iyo calan ciil la’

 

Maanta oo kale ayey ahayd markii Allaha u Naxariistee abwaan Timacade lahaa “Kana Siib Kana Saar” isagoo garanaya qiimaha gobonimada iyo xornimada.

 

Waxaan sidoo kale u ducaynayaa Cismaan Axmed Xassan “Indhoole” oo ah DC-gii gacanta ku qabtay calankii u horeeyey ee Xor ah isla markaana ahaa DC-gii kala wareegay maxmiyadii Ingriiska ilaa maantana ina dhex jooga “Allaha Cimriga iyo Caqligaba u barakeeyo”

 

 

Waxaan shacabka xorta iyo xariirta ah ee reer Somaliland meel ay jooganba uugu hambalyeynayaa maalinta gobonimada Somaliland”

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>