8 Km Oo Kale Oo Ka Mid Ah Jidka Isku Xidha Magaalooyinka Hargaysa Iyo Sallaxley Oo Dib Loo Bilaabay,Gudigga Waddada Iyo Masuuliyiinta Wakalaadda Wadooyinka Oo Soo Kormeeray

20150701_075529Sallaxley:(Duulnews)-Waxaa si rasmi ah u bilaabmay qeybta ugu danbeesa wajjiga labaad ee Dhismaha Waddada Cad taas oo isku xidhaysa Hargaysa Iyo Salaxley –ina Guuxa .
Waxaana Dhismaha waddadaasi booqday Masuuliyiin ka socotay Hay’adda Horumarinta waddooyinka iyo Masuuliyiinta Guddida Dhismaha Waddada Cad .
Waxaana ugu horeen halkaasi ka hadlay Eng Yuusuf Gaydh waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “ Si Fiican ayay Hawshu u Socotaa , Tayada waddadana waxaa naga eega Hay’adda Wadooyinka oo hadda nala joogta ”
Waxaana uu Engineerku bulshada somaliland ugu baaqay in lagu garab galo maadaama bu yidhi ay Dadka Deegaanka ay dhisteen 36 Km .
Waxaa isna halkaasi ka hadlay Maayirka Salxley Shiine Tahar oo u mahad naqay cid kasta oo ka qeyb qaadatay Dhismaha Waddada Cad .
Ugu danbeenti waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Guddida Dhismaha Waddada Cad Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare) waxaanu sheegay In tayada dhismaha waddada cad ay tahay boqolkiiba boqol oo ay aad u fiicantahay isla markaaana ay aad ugu farxsanyihiin .
Gudoomiyaha ayaa u mahad naqay Cid kastoo oo ka qeyb qaadatay isagoo xusay in qof kasta oo laga qaaday lacag dib loogu soo noqon doono maadama dhawaan la gali doono wajjiga Sadexaad ee Dhismaha Waddad cad iyo Banka oo ah halka ugu adag ee dhismaha waddada cad .
Dhismaha qeybtan hadda la bilaabay ayaa dhan 8km (Sideed Kiilo Mitir ) iyadoo marka ay 8 Kiilo mitir ay dhamaadaan uu soo gabogaboosmayo Wajjiga Labaad ee Dhismaha Waddada Cad .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>