Afhayeen Dhuxul Oo Ku Eedeeyay WADDANI Inay Dagaal Kula Jiraan G Awdal

“Madaxweynuhu ma kala Jecla tuulo, degmo iyo gobol kasta oo Somaliland ah, dawladani waa tii Horumarinta dalka”

Afhayeen Dhuxul Oo Ku Eedeeyay WADDANI Inay Dagaal Kula Jiraan G AwdalBali-dhiig (Somaliland.Org)-Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa xisbiga WADDANI ugu baaqay inay ka waantoobaan dagaalka cad ee ay ku hayaan gobolka Awdal.

Sidaasna waxa uu afhayeenku ku sheegay waraysi uu caawa siiyay shabakadda Somaliland.org, isagoo ku sugan Magaaladda Bali-dhiig ee gobolka Togdheer oo caawa weftigii madaxweynuhu u hoydeen.

Afhayeenku waxa uu jawaab kulul ka bixiyay hadallo socdaalka madaxweynaha ay ku naqdiyeen xisbiga WADDANI, waxaanu yidhi “Waxaanu leenahay WADDANI, xukuumadda iyo Boorame iskuma diri kartaan dhexdoodana ma geli kartaan, xukuumaddani waa xukuumadii u dhalatay horuamarka Awdal iyo guud ahaan gobolada dalka oo dhan. Madaxweynaha Somaliland tuullo, degmo iyo gobol kasta oo Somaliland ahi way u siman yihiin. Mana kala jecla, waxaan leeyahay xisbiga WADDANI reer Awdal dacaayadan aad wadaan ha ugu darina hadalkii deel-qaafka ahaa ee aad madaxweyne Daahir Rayaale hore ugu tilmaanteen inuu ka soo jeeday beel laga tiro badan yahay.”

Afhayeenka oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Xisbiga WADDANI Waxa uu tuur iyo tarbiicaba iskugu yeelay olale weyn-na u galay in aanu dallada dhalinyarrada ee SONYO aanay wax xil ah ka qaban cid ka soo jeeda gobolka Awdal, hase yeeshee waxa arrintaasi gaashaanka u daruuray oo fashiliyay himilooyinkii WADDANI dhalinyarrada dalladaas oo Guddoomiye u doortay Wiil dhalinyarro ah oo ka soo jeeday gobolka Awdal, halka ku xigeenkiisana ay u doorteen wiil isna ka soo jeeday gobolka Sool.”

Mr. Dhuxul waxa uu sheegay in madaxweynaha Somaliland uu socdaal taariikhi ah ku marayo goboladda dalka ee xuduudka ku teedsan. “Madaxweynaha deegaan kasta oo uu istaagaba waxa loogu soo dhaweynayay si weyn,waxaanay dadku ka marag kacayeen wax-qabadka xukuumaddu wadanka oo dhan ka fulisay, waxa kale oo dadweynuhu u soo bandhigayeen meelaha ay jecel yihiin in xukuumaddu wax uga qabato.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>