Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Ciyaaraha ayaa maanta soo kormeeray habka ay u socoto shaqadda roogga lagu dhigayo Garoonka Hargaysa .

(Duulnews)-Agaasmaha guud oo qoraal kooban ku baahiyay barta xidhiidhka bulshadda ee Facebook-ga ayaa sheegay inay farxad u tahay inay maanta soo arkaan habka y usocoto hawshu. “Waxaa farxad weyn noo ah Maanta annaga oo ah Masuuliyiinta wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland inaanu kormeer ku tegnay garoonka kubadda cagta ee Hargeisa Stadium, kaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay hawl shaqo oo lagu dhigayo doogga mac-malka ahi ay ka socoto.

Waxa Hargeisa Stadium uu la muuqaal noqon doona garoomada caalamka, waxay talaabadani ay guul weyn u tahay guud ahaanba Somaliland gaar ahaan dhallinyarteena, garoonkani waa midka ugu weyn ee qarankani ku dhaato waxaana dedaalkeeda iyo hir-gelinta in ceynkan loo dhiso uga mahad-celinaynaa xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Silanyo oo runtii dedaal dheeriya hadh iyo habeenba ugu jirta horumarinta iyo dhiiri-gelinta ciyaaraha iyo dhallinyarada.

 

 

Dadka qaar ee ku Caaroodda wanaaga iyo wax-qabadka waxay u haysteen hadal iyo waxaan suurtoobayn, mucaaradnimaduna maaha cambaareyn iyo ceebayn laakiin maanta waxaanu leenahay Qudhaanjooy ku Quuso”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>