Akhri: Jamaal Cali Xuseen Oo Duray Safarka Madaxweyne Siilaanyo,Sheegayna In Aanay Dhagax-dhigyaddii Horeba Wax Muuqdaa Ka Hir-galin

Hargaysa: (Duulnews)-Musharaxa Jaggada Madaxtinimadda ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Md. Jamaal Cali Xuseen,ayaa sheegay in safarradda Madaxweynaha ee Goboladda Dalka lagu khasaariyo qarash aad u tiro badan.waxa uu sheegay in safarkii kan ka horeeyay uu Madaxweyne Siilaanyo soo dhagax-dhigay Mashaariic ku kacaysa lacag dhan 500 Million oo Dollar,isla markaasna aanay waxba ka fulin.

Sidaas-na waxa uu ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa xidhiidhka Bulshadda ee Facebook-ga “Socdaaladda ama safarka madaxweynaha waxa ku baxa lacag aad u faro Badan ilaa 60 Landcruiser baa la socday safarkiisan shalay, Sidoo kale wasiiraddu safaradoodu 20 Landcruiser Kama yara qudhoodu. Socdaaladaasi uu hadda ka hor sameeyey Madaxweynahu waxa Uu soo Dhagax dhigay mashaariic gaadhaysa ilaa $500 million OO doolar sida dekadihii Iyo warshadahii uu soo Dhagax dhigay wax ka suurtoobayna ma jiro aan ka ahayn waddooyinkii dacatirka Lagu sameeyey ee ay EU du inagu taageertay. Hadabba Maxaa keenay mar kasta OO welwel siyaasadeed la galo in ay Safaro aan meelna haysan dadka ku mashquuliyaan. Tollow Ninka Diidan muddo kordhin sharci ah ee 5 tii sano u dhamaatay, maxaa u dagamsan? Haddii maanta aan la Qaban meel dheerba laga raadin Ilaahay ha sahlee. Miyaanay muhiim ahayn in Madaxweynahu ka hawl galo khalkhalka siyaasadeed ee dalka ka jira intaanu safar u bixin. Mise Dawladdu iyadaaba rabashada wada? Hore ayeey rag Hore ugu dhaceen, Dhaylsiga qaare. Shacabka Weeye awoodda Ugu sareysa”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>