Al-Shabaab Oo Maanta Gacanta Ku Dhigtay Degmooyin 75 Km U Jira Caasimadda Muqdisho Iyo Khasaaraha Dagaalka Maanta

Shab(Duulnews)-Ugu yaraan tobaneeyo qof ayaa ku dhimatay dagaal culus oo saaka ciidammada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab ku dhexmaray degmada Awdheegle iyo deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida ay BBC-da u sheegeen dad ku nool deegaankaasi, dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa dagaal culus kaddib waxa ay la wareegeen degmada Awdheegle iyo deegaanka Mubaarak.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa BBC-da u sheegay in dagaal faraha looga gubtay uu halkaasi ka dhacay.

Balse waxa uu ka gaabsaday in uu sheego tirada ciidammadooda halkaas kaga dhimatay, isagoo tilmaamay in ay jiraan dhimasho iyo dhaawacba balse ay weli ku jiraan uruurintii iyo tirakoobkii.

Hogaamiye ka tirsan Al-Shabaab ayaa dhankiisa sheegay in ugu yaraan 25 askari oo ka tirsan ciidammada dowladda ay dagaalkaasi ku dileen.

Degmada Awdheegle ayaa waxa ay 75 km galbeedka ka xigtaa magaalada Muqdisho, waxayna ka tirsan tahay gobolka Shabeelaha Hoose.

Quwaddii Al-Shabaab ayaa sanadihii la soo dhaafay waxaa wiiqay ciidammada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya beesha caalamka.

Hogaamiyayaal badan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa la dilay halka kuwa kalana ay isu soo dhiibeen ciidammada dowladda kaddib markii ay dowladdu shaacisay qorshe lagu cafinayo ciddii isu soo dhiibta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>