“ Amisom Dhexdhexaad Kama Aha Dagaalka Shabaab” Madaxweynaha Puntland Mudane Gaas .

(Duulnew)-Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed Ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa ciidanka midowga Afrika ee AMISOM ku eedeeyay in aanay doonayn in Shabaab laga si feeyo guud ahaan Soomaaliya.

Gaas oo la hadlay wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegay in ciidamada AMISOM keliya ay taageeraan Dowladda dhexe ee Soomaaliya balse aanay wax gacan ah ka gaysan dagaalka Puntland kula jirto Al-Shabaab gaar ahaana kuwa ku dhuumaalaysanaya buuraha Gal-gala sida uu hadalka u dhigay.

Gaas oo hadalkiisa sii wada ayaa sheegay in mamulkiisu aanu u baahnayn in dhulkooda la keeno AMISOM balse ay uga baahan yihiin oo keliya taageero dhinaca Saanada ciidanka ah.

Wakiilka Qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa hore ugu baaqay in Puntland la geeyo AMISOM si ay u ilaaliyaan xarumaha qaramada midoobay balse waxa dhawaaqaa ganafka ku dhuftay maamulka Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>