Ampasador Maxamed Cali Cabdi Oo Labada Garab Ee Dhalinyarada Iyo Haweenka Xisbiga WADDANI Usameeyey Kulan Casho Sharaf Ah

YayHargaysa(Duulnews)Ampasador Maxamed Cali Cabdi oo ka mid ah aasaasayaashii xisbiga mucaaradka ah ee wadani kana mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda gobalka Awdal ee tartanka ugu jira ku ku xigeenka musharax-madaxwayne ee xisbiga WADDANI waxa uu casho sharaf is barasho iyo dhiiri galin ah u sameeyey labada garab ee cusub ee dhalinyarada iyo haweenka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI .

Kulankan cashada ah waxa ka soo qayb galay masuuliyiin sar sare oo xisbiga ah oo uu ka mid yahay Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Maxamed cabdilaahi Uur-cade iyo masuuliyiin kal oo dhamaantoodba labada hogaan ee dhalinyarada iyo haweenka ku dhiiri galiyey in ay ka shaqeeyaan hawlaha loo doortay ee xisbiga, isku xidhnaanshiyo iyo maqaalufo na sameeyaan.

 

Ugu horayn waxa munaasibadaasi ka hadashay Gudoomiyaha garabka Haweenka xisbiga WADDANI Marwo ifraax Cumar Xasan oo Ambasador –ka uga mahad celisay sida qiimaha badan ee uu iskugu yeedhay xustayna in labada garab ee Dhalinyarada iyo Haweenku yihiin baalasha xisbigu ku duulayo waxaanay tidhi “ waxan umahd calinayaa mudanaha halkan iskugu keen keenay ee casho sharaftan inoo sameeyey Maxamed cali Cabdi kolay mustaqablka waxaynu noqonaynaa Hogaanka mustaqablka ee dalka niyada wanaagsan baana fiican in laysku sheego , Dhalinyaro iyo haween labadii garab ee xisbigu ku duulayey halkan bay fadhiyaan hawl culus na wayna sugaysaa ee bar barka ay ka baxdaa waa Bakayle galeen “

 

Waxa isna ka hadlay kulanka Gudoomiyaha garabka dhalinyarada Xisbiga mucaaradk ah ee WADDANI Maxamuud Cabdilaahi Cabdi oo tilmaamay ahmiyada xisbiga ay ugu fadhiyaan labadan hogaan ee Dhalinyarada Iyo Haweenku iyo hawlsha hortaala “ shirarkii waa waynaa ee laynagu doortay iyo casuumadihii kala duwanaa ee laynoo qabtay dhamaantood waxay ahaayeen dhiirigalin iyo garab taagn aan uu xisbigu ina garab taagan yahay , taasina waxay cadaynaysaa in xisbiga WADDANI ay ka go,an tahay in dhalinyarada iyo haweenka uu garab istaago ,

Waxa jira dad aad udulman oo odhan jiray nalama siiyo doorkayaga in ay xisbiga WADDANI fursad ka heleen inagoo taas ka duulayna waxa muhiim ah inaynu fursadahaas ka Fa,idaysano oo aynu isa soo dhisno oo dadkii inaga soo hor jeeday ee lahaa isma maamuli karaan aynu barnaamij dhexdoodaa ma samayn karaan waxba ma soo kordhin karaan markaas maadaama oo aynu fursadan helnay oo xisbiga WADDANI ka helnay laba qodab ayaa laynaga rabaa inaynu xoog ushaqayno oo aynu muujino masuuliyad iyo karti dheeraad ah , sidoo kale waxa laynaga rabaa maadaama oo aynu nahay dadka ugu badan ee Codeeya oo Haweenka iyo Dhalinyaradu yihiin kuwa ugu badan ee codeeya inaynu runtii sidii aynu xisbiga usoo saari lahayna ka shaqayno markaas muraayadu wayna eegaysaa maadaama oo shirkii ugu horeeyey ee garab haween iyo garab dhalinyaro la qabtay macnaha waxa la leeyahay gudiyadii iyo labadii garab ee la dhisay ma yihiin kuwo xaliyi karaya dhibaatadii ka imanaysay dibada , waxaana muhiim ah inaynu iskaashano labadeena Garab ee Dhalinyarada iyo Haweenku “

 

Waxa ina dhankiisa kalmado kooban ka yidhi Xoghayaha garabka dhalinyarada Xisbiga WADDANI aftax Siciid oo sheegay in doorka Dhalinyarada iyo Haweenka uu yahay in laysku xidhnaado iyo in laga shaqeeyo hawlaha loo doortay ee hor yaala una mahad celiyey Ambasador Maxamed Cali oo suuto galiyey kulankan caawa ee labada garab ” waxan halkan aad uga mahad celinayaa Amabasador Maxamed Cali oo suurto galiyey kulankan caawa ee labada garab, Xisbiga WADDANI maanta wuu duulayaa laydhii aynu ku tagaynay madaxtooyada ayaa ina haysa garabka Dhalinyarada iyo Garabka haweenku waa taayiradii uu xisbigu ku wareegayey, waxaynu doonaynaa inaynu habeen iyo maalin aynu usoo jeedno utaagnaano u oradno oo aynu u haraadon sidii aynu ufuuli lahayn kurisgaa madaxtooyada .

Waxa la yidhi maxay siyaasadaha Afrika iyo kuwa Reer galbeedku ku kala duwan yihiin waxay noqotay in reer galbeedku iskuuladooda ka soo saaraan dad yar yar oo siyaasiyiin ah si hadhow afkaartooda iyo mabaadiidooda ba ay ufidiyaan maanta Cabdiraxmaan waxa uu noqday Hogaamiyaha Afrika oo dhan sameeyey dhalinyaro siyaasiyiin ah , Haweenka Somaliland iyo Dhalinyarada Somaliland way ciilan tahay waxay uciilan tahay cadaalad daro ayaa haysta oo ay ku samaysay xukuumada haatan talada haysa ee iminka kurisga ka sii daadagaysa way sii socotaaye “

 

 

 

Dhanka kale waxa munaasibadan ka hadlay Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdilaahi Uur cade oo dhiiri galin iyo bagaadin ba iskugu daray labadan garab ee dhalinyarada iyo Haweenka waxaanu ku adkeeyey soo dhisida maamulada Dhalinyarada iyo Haweenka ee Heer gobal “ Labadiina garab xisbiyada kale maanta waynu dheernahay inaga way inoo dhisan yihiin labadooduba xisbi kale oo ay udhisan yihiina ma jiro waxanu jecel nahay inaad muujisaan in aynu labadiina garab xisbiyada kale dheernahay oo hawshiina ay ka muuqato oo hawl maalmeedkeena ay ka muuqato dadaalkiinuna uu noqdo mid gudaha ah iyo mid dibada ah ba, dibada dadkeenu wuu kuwada filiqsan yahay tirada badan ee dadka reer Somaliland dibada ayey joogaan markaas waxa aynu ubaahanahay inaydaan gudaha uun ku hawlanaane qof waliba cidii uu garanayo gaadhsiiyo si uu xisbiga taageero ugu noqdo ,waxa kale oo jirta hargaysa waa caasimadii inteena halkan joogta ee reer hargaysa waxa daruuri ah in gobalkii lagu xidhnaado oo hawshii dagmooyinkii la gaadhsiiyo oo aynaan ku koobnaan xafiisyada ee aynu udhaadhacno xaafadaha iyo halka ay dadku joogaan oo aynu ka dhisno laamihii gudiyadii iyo xafiisydiiba si uu ixsbigu unoqdo xusbi kor ilaa hoos isku xidhan , waxad ku soo beeganteen xili olale ah oo olalihii waxa laga yaabaa inuu wax yar uun ka hadhan yahay oo aanu December inala dhaafayn waxaaynu ubaahanahay Decembar inaynu sugno uun maahee inaynu wixii aynu ku shaqo tagi lahayn inaynu sii diyaar sano waxaanan idiin sheegayaa in aad tihiin kuwa xisbigu ka sugayo hawhaas.”

 

 

Gabo gabadii waxa kulankan Soo gabo gabeeyey Ambasador Maxamed Cali Cabdi oo ah Siyaasi utaagan Tartanka musharax ku xigeenka Madaxwayne ee Xisbiga WADDANI ee lagu soo dooran doono shirwaynaha Xisbiga oo la filayo inuu dhawaan dhaco isla mar ahaantaasina Casuumadana usameeyey labada garab ee Dhalinyarada iyo Haweenka “ aniga waxay iitahay Waayo aragnimo inaan barto dadkii aanu wada shaqaynayseen inaydaan is aqoonini waa kadeed waxanu iskugu nimi oo halkaas saacadaas ufadhinaa waa inaynu guulaysano tiim marka layahay ee la wada shaqaynayo nin waliba dabeecad gaara ayuu leeyahay gurigiisa ayuu la joogi karaa bulshadiisa ayuu ka dhex joogi karaa laakiin marka ay shaqada timaado dhibaato badan ayey leedahay shaqada xisbiguna waa tabaruc oo lacag lagu siinmaayo waana mid ubaahan Dulqaad iyo tixigalin wixii isfahan waa ah na meesheeda loo daayo , barigii hore waxa la odhan jiray wixii rag u kaco rabina aqbalo waa rumoobaan . iminka Aduunkii isbadal waxay maraysaa wixii rabi rabo Dumarna ukaco waa Rumoobaan, guusha xisbigu waxay ku xidhan tahay sida aad idinku u dadaashaan oo aad iskugu xidhnaantaan xisbigana umaal galisaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>