” Arinta Wikileaks waxa weeye khiyaamo qaran tii ugu darayd ee wadankan soo marta “ Xasan Ciise Jaamac

(Duulnews)-Madaxweyne ku xigeenkii u horeeyey Ee Jamhuuriyadda Somaliland Xasan Ciise Jaamac Ayaa Markii U Horeysay ka hadlay sugnaanshaha Fadeexadaha la weriyey in degelka Wikileaks Ku faafiyey in xukuumadda Somaliland ay maamulka Soomaaliya kala shawrtay soo celinta midnimadii lagu hungoobay ee Soomaaliweyn.

War murtiyeedka Xasan Ciise Jaamac oo cinwaan looga dhigay Wararka Wikileaks ee Sheegaya In Somaliland lagu daray Somaliya iyo tallaabada ku haboon, isaga oo dhamaystiranina waxa uu u qornaa sidan: “Arrinta lagasoo weriyay wikileakes ee sheegaysa in wasiirro ka tirsanaa xukuumadda Somaliland ay galeen heshiisyo Somaliland ka dhigayaa gobal ka tirsan nidaamka fedaraalka ee Somalia, haddii ay rumowdo, waxa weeye khiyaamo qaran tii ugu darayd ee wadankan soo marta intii la soo celiyay madax banaanida Somaliland tan iyo may 1991. waxaa layaabka leh in eed itaas le’eg aanay ilaa imika xukumada Somaliland ka soo saarin wax war ah oo rasmi ah oo dadka u cadaynaya sida ay wax u jiraan!. Culayska ay arrintani leedahay awgeed iyo sida ay xukuumadani uga aamustay waxay lama huraan ka dhigayaan in si deg dega la isugu yeedho baarlamaanka ooy fadhi qayru caadiya isugu yimaadaan. Baarlamaanku waa in uu sugaa sida ay arintani wax uga jiraan kana joojiyaan xukuumada wax kasta oo kale inta arintan gunteeda la soo xaadhayo. hadii arintani sugnaato waa in la isugu yimaado shir qaran oo go’aanka ku haboon lagu qabto, maxkamad gaar ahna lagu saaro cida ay khusayso.” Ayaa Madaxweyne ku xigeenkii u horreeyey ee JSL Muj. Xasan Ciise Jaamac ku soo xidhay war murtiyeedkiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>