Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Sheegay In Deeqaha Caalamku Ku Bixiyo Doorashadu Khatar Ku Yihiin Qarannimada Somaliland.

Yaasiin(Duulnews)-Axmed Yuusuf Yaasiin, Madaxweyne xigeenkii hore ee Somaliland, ayaa ku taliyay in la sameeyo Kharash Somaliland bixiso oo ku baxa doorashooyinka si looga maarmo gacmaha shisheeye ee bixiya Kharashka doorashooyinka Somaliland.

 

 

“Doorashooyinkii Somaliland Marka laga yimaado Aftidii dastuurka 2002 tii golaha degaanka 2003, wixii ka dambeeyay waxaad moodaa in Kharashka doorashooyinka ay gacanta ku hayaan Ajannabi, taasina waa mid ku khatar ah qarannimadeena. Waxaan soo jeedinayaa ama dawladdan ha noqoto ama kuwa ka dambeeyee in sanad walba Miisaaniyadda lagu daro lacag ilaa 4 milyan ah oo 5-tii sanno noqda 20 Milyan oo aynu inagu isku fillaano oo aanay noqon wax gacanta la inoogu hayo, taasina waa ta qaranimada Somaliland ku dhismayso khatarna aanay ku galayn,” ayuu yidhi Madaxweyne xigeenkii hore oo u waramayay HCTV.

 

 

Madaxweyne xigeenkii hore Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa sidoo kale ka hadlay wakhtiga doorashada ee Komishanku cayimay isagoo ku tilmaamay inay tahay arrin ku timid caddaadiska Mucaaradka “Wakhtigan doorashada ee Komishanku soo jeediyay, horta doorashadu waxay cayin maysaa markaynu helno diwaangalin rasmi ah. Haddii diwaangalinteenu sax noqoto doorashana way qabsoomaysaa.Cayimaadan Komishanka ee ah 1-da June 2016, waxaad moodaa inuu yahay Caddaadis Mucaaradka kaga yimid Komishanka laakiin, waa in waaqaca laga hadlaa oo doorashadeenu waxay qabsoomaysaa marka diwaangalintu si rasmi ah inoogu dhacdo,” ayuu yidhi Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin.

 

 

Axmed Yuusuf Yaasiin, Madaxweyne xigeenkii hore ee Somaliland waxa uu guurtida u soo jeediyay inay raacaan qorshaha Komishanka doorashadu soo jeediyay ee ah in doorashooyinku dhacaan 1-da June 2016-ka, islamarkaana waxay muddo kordhintooda ka dambeysiiyaan ay noqoto uun 90 cisho oo ah Mala-awaalka ah in la hubiyo in doorashada loogu diyaar garoobi karo 1-da June, islamarkaana Xukumaddani intaas talada sii hayso.

 

 

Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa sheegay in wakhtiga Madaxweyne Siilaanyo loogu daro muddo xileedkiisu noqonayo mid keena in umaddu sii nacdo Xukumaddiisa islamarkaana ay suuro gal tahay inaanu doorashada ku soo bixin.

 

 

Hadalka Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa imanaya maalin uun ka dib markii Wadamada Somaliland ka taageera doorashadu ku hanjabeen inay xidhiidhka horumar iyo kan siyaasadeed ba ka goosan doonaan Somaliland haddii doorashadu ka dambeyso 1-da june 2016-ka ee Komishanku asteeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>