Baaqii Somaliland U Dirtay Beesha Caalamka Oo Soomaaliya Ku Qasbay Inay Caddeyso In Aanay Daacad Ka Ahayn In Heshiis Laga Gaadho Arrimaha MASIIRIGA Ah

???????????????????????????????(Duulnews)-Dawladda Soomaaliya ayaa diiddan qorshaha dawladda Somaliland ku doonayso in beesha caalamku ku soo faro-geliso isla-markaana dhexdhexaadiso, si ay u soo socdaan wada hadalladii burburay bishii hore.

Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay jirin sabab ay beesha caalamku u soo dhex gasho wada hadalladaasi, iyadoo ku dooday in Somaliland iyo Soomaaliya ay yihiin hal waddan oo Soomaali wada leedahay isla-markaana uu jiro heshiis ay labada dhinac wada gaadheen ka dib xoriyaddii lixdankii.

 

 

???????????????????????????????

 

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Khaalid Cumar Cali oo u waramayey Laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, ayaa isaga oo daba socda hadal uu Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland ku sheegay in loo baahan yahay in beesha caalamku soo dhex gasho wada hadallada, ayaa yidhi “Arrimuhu waxay ka dhexeeyaan Soomaalida dhexdeeda, dadka waxa hadlaya ee ay wax ka dhexeeyaanna waa dad Soomaaliyeed, laba dal oo kala duwan maaha, waayo dalkan waxa la odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waayo markii la isku imanayey ee xoriyadda ka dib waxa la saxeexay midnimada Soomaaliya iyo wada jirkoodii iyo in Soomaaliya mid tahay, laakiin imika Somaliland iyadaa gaar isku taagtey, laakiin maaha go’aan ummada Soomaaliyeed ay si guud cod ugu qaadey…”

Wasiiru-dawlaha Arrimaha dibadda Soomaaliya oo sii hadlaya ayaa sheegay inaan loo baahnayn faro-gelin caalamku ku sameeyo wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya “Marka la samaynayo faro-gelin caalamiya waa sida laba dawladood oo kala madax-banaan oo aan shaqo isku lahayn, sida Itoobiya iyo Eratariya, laakiin waxa nasiib daro ah in arrimo dad Soomaaliyeed dhexdooda ku xallinayaan in la yidhaahdo ha loogu yeedho faro-gelin caalamiya…” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Wada Hadalladu waxay ka burbureen dhanka Somaliland, laakiin yoolka dawladda Federaalku waa Midnimada Soomaaliya annaga oo ilaalinayna xeerka Qaramada Midoobay…”

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland, Md. Maxamed Biixi Yoonis oo aanu xalay dhowr jeer isku daynay inaanu arrintan wax ka waydiinno ayaanay noo suurto-galin inaanu helo, laakiin wasiirka ayaa toddobaadkii hore oo uu Hargeysa kula hadlay saxaafadda sheegay “Waxaanu caalamka ka codsanay in la iskugu kaayo yimaaddo, in nala dhex galo oo dhexdhexaadini dhacdo, oo aanu u kala ambabaxno si wanaagsan oo walaaltinimo ah” ayuu sidoo kale yidhi Biixi oo saxaafadda uga waramayey natiijada kulamo ay Nairobi kula yeesheen beesha caalamka, waxaanu intaasi ku daray “Markaas anagu waxaanu jecel nahay in waddamadii badnaa ee hore wada hadalka uga soo qayb qaatay iyo kuwa Geeska Afrika soo dhex galaan arrintan, waxaanan aaminsan nahay in haddaan nala dhex galin arrimo ka xumi dhici doonaan, kolkaas waxaanu dalbanaynaa in sida ugu dhakhsaha badan Caalamku ugu arko inay muhiim tahay inaanu kala ambabaxno…”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>