Bangiga dhexe ee Yurub Oo Go’aan Ka Gaadhaya In Taageero La Siiyo Bangiyada Giriiga

(Duulnews)-Bangiga dhexe ee Yurub ayaa waxa uu qabanayaa shir dhanka telefoonka ah galabta, kaas oo go’aan looga gaarayo in taageero deg-deg ah la siiyo bangiyada Giriiga iyo in kale, magaalada Brussels, madaxweyne ku xigeenka golaha guddiga Yurub, Valdis Dombrovskis, ayaa sheegay in deganaanshaha lacagta Euro aysan su’aal ka taagneyn.

Gelinka dambe ee maanta, Angela Markel ayaa u ambabixi doonta magaalada paris, iyada oo wadahadal la yeelanayso madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande, ka hor inta aysan la kulmin berri subixii hoggaamiyayaasha dalalka isticmaala lacagta Euro-da.

 

 

kaddib rayn-raynta dadka reer Athens ee u codeeyeen MAYA, waxaa hadda soo baxaysa xaqiiqada dhabta ah ee waxa uu wajahayo dalka Giriiggu.

 

Su’aasha ugu horreysaana waxay tahay in banigiyada Giriiggu ay dib u furmayaan iyo in kale.

 

Waxaa ay taasi ku xiran tahay bangiga dhexe ee Yurub.

 

Balse waxaa dhici karta in aysan taa dhicin, iyaga oo raba in ay eegaan haddii Athens ay bilaabayso hannaan cusub oo u debacsan in dhowr bilyan oo deyn Euro ah ay ka heli karaan asxaabtooda isticmaala euro-da si loogu kaabo dhaqaalaha dalkaasi Giriigga.

 

Madaxweyne ku xigeenka guddiga Yurub-na, Valdis Dombrovskis, waxaa uu sheegay in aysan jirin wadahadalo cusub oo xilligan dhici kara ilaa wasiirrada dhaqaalaha Yurub ay oggolaansho bixiyaan.

 

Wasiirka dhaqaalaha ee dalka Dutch-ka oo shir guddoominayay dooda deymaha ayaa sheegaya in go’aanka Giriiga ay ku diideen hindisihii u dambeeyay ay xaaladda haatan taagan ka sii dhigeyso mid dhib badan.

 

Waddanka Jarmalkana dulqaadka ay u hayaan Giriiga waxaa uu u muuqdaa mid sii wiiqmaya.

 

Haweeneyda hoggaamisa dalkaasi Angela Merkel, afhayeenka u hadla ayaa sheegay in Giriigga uu ficil muujiyo haddii uu rabo in uu ku sii jiro xubinnimada Yurub.

 

 

Saas awgeed Yurub waxay hadda sugaysaa inay aragto waxa ay Giriiggu weydiisanayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>