Beesha Reer Gadiid Oo La Filayo Inay Maalmaha Soo Socda Cududda Taageeradeeda Iskugu-gayso Xisbiga Waddani

guuuu(Duulnews)-Beesha reer Gadiid oo ka mid ah beelaha Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa ayaa la sheegay inay todobaadada soo socda si rasmi ah cududooda taageero iskugu gayn doonaan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Beeshan oo ka mid ah beelihii sida wayn u taageersanaa Xisbul-xaakimka Kulmiye ayaa mudooyinkii u danbeeyey u muuqatay inay sii kala fogaanayaan siyaasadda xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo oo aanay wax xil ah haba-yaraatee ka haynin wakhtigan.

 

Sida ay sheegeen ilo-wareedo mihiim ah oo aanu helnay, dhaqdhaqaaqyo iyo kulamo loogu gogol xaadhayo ku biirista beeshaasi ee xisbiga Waddani ayaa maalmihii u danbeeyey ka socday Magaaladda Hargeysa, iyadoo

ay iska barbar socdeen kulamo ay waxgaradka iyo dhalinyarada beesha reer Gadiid mid walbaaba dhiniciisa iskugu abaabulayaan.

Dhalinyaradda beeshan ayaa iyagu todobaadkan gudihiisa la sheegay inay shirk u yeelan doonaan Hotelka Crown ee magaaladda Hargeysa, kaas oo sida ay ilo-wareedadaasi tilmaameen ay kaga arrinsan-doonaan sidii ay cududooda taageero ugu xoojin lahaayeen xisbigaasi mucaaridka ah, isla markaana ajandaha shirkaasi ayaa sida la filayo arrimaha lagu soo qaadi doono ay ka mid yihiin tabashooyinka beeshaasi ka tabanayso saami-qaybsiga xukuumadda iyo sidoo kale tacadiga aan geedna loogu soo gabbanin ee ay xukuumadda Siilaanyo hilfaha ugu laabtay labadda Wargeys ee Haatuf iyo Hubaal oo xaruumahoodii ay noqdeen xeryo-ciidan.

Sida ay xogaha laga helayo dhaqdhaqaaqyadaasi tibaaxeen xubno ka mid ah siyaasiyiinta beesha reer Gadiid kuwooda ugu cad-cad ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda ka hilaacaan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Dhinaca kale ilo-wareedadan ayaa xusay in maayarka magaaladda Hargeysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO) inuu bilaabay xalay ilaa caawa dhexda u xidhay sidii uu lad-qabayn lahaa waxgaradka iyo dhalinyaradda beeshiisaasi, kaas oo shir-doceedyo aad looga dareemay caasimadda kula yeeshay goobo kala duwan 24-kii saacadood ee u danbeeyey, iyadoo aanay jirin wax is-fahan ah oo ilaa imika ka soo baxay shirarkaasi albaabadu u xidhan yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>