Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qarqoomay Badaha Dalka Liibiya Iyo Hawl-galo Samatabixin Ah Oo Hadda Socda

Tahriib(Duulnews)- Hawlgal samoto bixin ah oo balaadhan,ayaa ka socota xeebaha dalka Libya, halkaas oo laga baqayo in ay ku qarqadeen boqolaal tahriibayaal ah, kaddib markii ay la dagtay doonidoodii ay saarnaayeen.

Waxaa la rumaysanyahay in ay doontaasi saarnaayeen todobo boqol oo qof. Ilaa iyo hadda sideed iyo labaatan qof oo kali ah ayaa la soo badbaadiyay.

Wararku waxa ay sheegayaan in shilku uu dhacay kaddib markii ay dadku ku u yaaceen qayb kamid ah doontaasi oo liiqliiqanaysa iyaga oo doonaya in ay fuulaan markab ganacsi oo dhankooda u soo socda

Labaatan markab iyo saddex diyaaraddaha qumaatiga u kaca ah,ayaa ka qaybqaadanaya hawlaha samato bixinta.

Shilkani waxa uu noqonayaa kii u dambeeyay ee dhacdooyin halis ah oo dhawaanahan dhacayay.

Afar boqol oo qof ayaa laga cabsi qabaa in ay todobaadkan horaantiisi ku dhinteen waqooyiga Libya, kaddib markii ay doonkale ku dagtay halkaasi.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>