Boqor Buur-madaw Oo Sheegay In Madaxweyne Siilaanyo Loo Kordhinayo Laba Sanno,Kuna Tilmaamay Sunne Soo Jireen Ah Oo Uu Kala Siman-yahay Madaxdii Dalka Soo Martay

Buur Madaw(Duulnews.com)-Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buur-Madow oo ka Tirsan Madax Dhaqmeedka Somaliland Ayaa sheegay in Madaxwaynaha Somaliland Loo Kordhin Doono Laba Sanadood oo Xidhiidha Ah.

waxa uu sheegay in Loo baahan yahay In ay Somaliland Nabada Xejisato,Beesha uu Ka soo jeedaana Doonayso Mudo Kordhin,Rajo Wacana Waxa uu ka Muujiyay Golaha Guurtida.

Boqor Buur-Mawdo waxa uu sheegay in Saddex Sano Loo Kordhiyay Daahir Riyaal,Maxamed Xaaji ibraahin Cigaalna Dhawr Jeer,Maxamuud Axmed Cali isna La mid,waxaana uu cadeeyay inaanay jirin sababo u diidi Kara Madaxwayne Siilaanyo.

Xisbiga kulmiyena waxa uu sheegay inuu ka Tageersan yahay Madaxwaynaha oo Kaliya,Xisbiga Wadanina waxa uu cadeeyay inaanu ku biirin waxaana uu

 

 

yidhi.

“Anigu Maw-qifkay Hore Ayaan wax badan uga Hadlay Qoladan Wadani ee Aanu Saaxiibka Nahay waxaan ku idhi Hadii Aad Doonaysaan in Ay si wanaagsan wax inoogu dhacaan,Odayguna waa uu soo shaqeyee in Laba Sano Loo Kordhiyo,Anigu Taas waan Qabaa ka beel Ahaana waanu qabnaa in Loo Kordhiyo,waxaana Weeyaan Cabdiraxmaan Aw Cali Laba Jeer Ayaa loo kordhiyay,Daahir Riyaalena Saddex Jeer ayay Ahayd,Maxamed Xaaji ibraahin Cigaal Dhawr Jeer Ayay Ahayd,Maxaa Anaga noo Diidaya.

Waxa uu sheegay Boqor Buur Madaw inaanay reer Ahaan Qorshaha Ugu Jirin in Ay shan Sano oo kaliya Xilka Kaga Tagaan,Somaliland waxa uu u soo jeediyay inay Xejisato Nabad Madaxwaynaha Somaliland Waxa uu cadeeyay in loo Kordhinayo.

 

“Anagu Beel ahaan Sidaas ayaanu Wadnaa Lakiin Yeelkeede kama Boodayno Komiishanka Doorashooyinka,Golaha Guurtidana Rajo Fiican ayaanu ka qabnaa,Somaliland way Garanaysaa Wixii Xeer u ahaan Jiray,Hadii La kordhiyo Balo dhicimayso Awalna May dhici Jirin,Lakiin Cidii Ka Leexisa Sidii Ay ahaan jirtay ee tidhaa Dhici Mayso iyada og Bal Halka Ay kuwado,waana qasab in La kordhiyo,Lakiin Tii Dastuurka iyo Xeerarku waa Halkeeda Lakiin Sidani waa Fikirkayga.

 

Boqorku waxa uu sheegay inaanu Jirin Xisbi Kale oo Mucaarad Ah wadani mooyaane waxaana uu yidhi.”Anigu waan Tageeraa Xisbiga Wadani,Cabdiraxmaana Saaxiibkay Weeyaan,Hadan Oday Beleed Ayaan Ahay Beesha iyo danaheega waan ilaaliyaa,Xisbiga Wadanina Kama Mid Ahi Lakiin waan Tageeraa.

 

Dhinaca kale waxa uu boqorku ka hadlay wax Mabda’isii Mucaaradnimo Badalay Markii uu Xilka Qabtay Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo waxaana uu yidhi.

 

“Anigu Kuma Lahi Xisbiga Kulmiye Waan Tageersanaha Lakiin Madaxwaynaha Somaliland Waxqabadkiisii waa uu bidhaamay,Daahir riyaale Saaxiib ayaanu ahayn waan Tageeri Jiray,Maxamed Xaaji ibraahin isagana waan tageeri Jiray,Cabdiraxmaan Aw Cali Beeshayda oo dhan oo wada Mucaaradi Ah ayaa Tageeri jiray,Xukuumada Hada Jirta Aan runta shegee Odayga oo kaliya Ayaan ka Tageer sanahay.

 

Madaxwaynaha somaliland waxa uu sheegay inaanu Boqorku Jeclayn inuu Mardanbe isku soo taago Doorasho,Balse Marka uu dhameeyo Wadada Ceerigaabo Doonayo uun inuu Tartan Wanaagsan u qabto Asxaabta Siyaasada Soamliland.

 

“Anigu waxaan leeyahay Madaxwaynaha somaliland Marka Loo Kordhiyo Labadaas Sanadood Mar danbe isku soo taagi Maayo Doorasho,Cida uu xisbiga ka soo saarayo isaga Ayay jirtaa,Lakiin wax haboon in Ladaayo inta uu dhamayno wadada Ceerigaabo.

 

waxa uu sheegay in La in qilaabay Madax Dhaqameedkii hagi jiray Siyaasada Dalka somaliland laguna Badalay Sida uu sheegay inamo Yaryar oo Ingiriiski wax soo baray waa sida uu hadalka u dhigee,Talada dalkana inaanu Hogaamino Qorshaha Way noogu Jirtaa.

Wariye: Mohamed Hassan Daacad

Duulnews.com/Hargaysa Office

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>