Boqor Raabi Oo Sheegay In Boolis Cashuur Ururinayay Garaaceen iyo Sababta Uu U Aaneeyay

boqorka(Duulnews)-Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi, oo ka mid ah Hogaanka dhaqanka Somaliland, ayaa sheegay in Ciidamada Wasaaradda Maaliyaddu u xilsaartay Ururinta Cashuuraha gaadiidku jidh dil u gaysteen. Waxa uu sheegay inay naftiisa iyo gaadhigiisaba dhib u gaysteen Boolisku, isagoo tilmaamay in gaadhigiisu cashuurnaa islamarkaana aanu garanayn sabab ay Booliska iskugu yimaadaan marka laga reebo inay kadaba joogaan Shir Beeshiisa ah oo uu dhawaan ku dhawaaqay.

 

 

Boqor Raabi Oo Arrintan Tv-ga Star uga waramay ayaa yidhi “Dee waxba idiin sheegi maayo oo ishaa macalin ah, Aniga waa la ila dagaalamay, gaadhigaygii dhibaataa gaadhay, Aniga dhibaataa I soo gaadhay oo Shaadhkaygii waa kaas Bildhimadii laga gooyay. Waxaan leeyahay Boolisku wuxuu samaynayaa Cashuur Ururin maahee waa xaalad abuur, waddankaa xaalad laga abuurayaa, Gaadhigayga Cashuurtiisa waan bixiyay. Nimankaas ciidanka ah ee qoriga iila soo baxay ee Qoriga laftiisa ila dhacayay, Shaadhkayga Bildhimadiisii jarjaray ee xaaladdaas abuuraya ee dadka waxay ku hayaan waa la arkayaa”

 

 

Boqor Raabi, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in sababta loo beegsaday tahay hadal uu hore saxaafadda uga sheego oo ahaa in Beeshiisu shir aayo ka tashi ah yeelanayso “Waxaan u malaynayaa uun in qolo qorshaysan oo la soo diray ay yihiin, kuwaas oo ka soo horjeeda Shirka Beerta Hallaye ka dhacaya ee aan ku dhawaaqay, sababtaas uun bay ku sal leedahay baan qabaa ilayn sabab kale oo aanu iskugu nimaadnaa ma jirtee” ayuu yidhi Boqor Raabi.

 

 

Boqor Raabi oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu bulshada ogaysiinayo in gaadhigiisii la xareeyay isaguna uu qabo Nabaro ka soo gaadhay Garaacista Booliska “Waxaan leeyahay qolada Booliska dee raggii hore ee Odayaasha ahayd ee aad layseen ayaanay waxba idinku soo gaadhin, waxaanan leeyahay xaaladdu taas uunbay ku dabo leedahay oo dadka waa la iska laayaa imika, haddii wax laga qaban waayana dee Umadda ayaan u dhaafayaa”

 

 

Wasaaradda Maaliyadda ayaa jidadka Magaalooyinka Somaliland dhigtay Ciidamo Ururinaya Cashuuraha islamarkaana cidda aan bixin khasab kaga qaadaya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>