Caaqil Cabdillaahi Mataan Oo Difaacay Go’aanka Xalka Lagaga Gaadhay Murankii Dhul Ee MASALLAHA, Tallooyinna U Jeediyay Madax-dhaqameed Dar-jiidhay

gggggg(Duulnews)- Caaqil Cabdillaahi Mataan Aw Xasan, oo ka mid ah Madax-dhaqameedka beesha Koonfurka Hargeysa, ayaa ka hadlay Madax-dhaqameed uu sheegay inay si aan masuuliyadi ku jirin uga hadleen dhulka Masallaha ee dhawaan Madaxwaynuhu ka soo saaray amarka.

Caaqil Cabdillaahi Mataan oo xalay la soo xidhiidhay Wargeyska Somalilandtoday ayaa sheegay inuu ka xun yahay in Madax-dhaqameed sheeganaya inay danta ummada ka hadlayaan cambaareeyaan ama eedeeyaan guddida horumarinta beesha Ciidagale, kuwaasi oo uu sheegay in intii la aasaasay danaha beeshu guud ahaan toostay isla-markaana horumartay.

Caaqilka oo daba socday hadal Odayaal Cuqaal ahi ku diidanayeen go’aanka Madaxwaynuhu ka soo saaray dhulka MASALLAHA, ayaa yidhi “Ninbaa Gabey yidhi “Nin ambaday halkuu marey way ula ekoonayde” cuqaasha shirka jaraa’id qabtey qaar baan kala aqoonin reeraha ay u taliyaan, sidaa daraadeed ma ahayn inay ka hadlaan waxaan dantooda ahayn, waayo cuqaashaasi hadday waddada Sallaxley uga taalaabaan dhanka galbeed way ku asqoobayaan, hadday Geerash aw Aaden gaadhaana way ku asqoobayaan. Nimankaa cuqaasha ahi may ahayn inay ka hadlaan dhulka (Masallaha) oo aanay waxba ka qaban kareynin, markay leeyihiin guddida Ciidagale ayaanu beddelaynaa waxaan leeyahay guddida mana beddeli kartaan, mana Magacaabi kartaan, waayo waxay u badan yihiin niman dhaqanka ku saaqiday oo aanay beelahoodu waxba waydiinin”

Caaqilka oo sii hadlaya ayaa sheegay “Markaa waxaan leeyahay caqliga wanaagsani kama taliyo in wax la kala kexeeyo ee wuxuu ka taliyaa in wax la isku soo jiido” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Nimanka cuqaasha ah waxaan maqlay in nin walba loo ballan-qaaday in dhulka danta guud ah ee Masallaha laga siinayo badh, markaa waxaan leeyahay waa looyaro difaacaya cid gaar ah oo dan leh……”

Caaqilku wuxuu sheegay in cuqaasha ka hadashay dhulkaasi looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan arrimaha reeraha ay u taliyaan oo uu xusay inay xilligan u baahan yihiin taageero, maadaama oo lagu jiro jiilaal, dadka xoolo dhaqataduna u baahan yihiin in la garab istaago, halka buu ay ku mashquulsan yihiin arrimo

Wariye: Mohamed Hassan Daacad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>