“Caasimadda Hargeysa Way Ka Dhul Qaalisan Tahay Caasimadaha Adduunyada Ugu Waaweyn Ee New York Iyo Tokyo Ka Mid Yihiin..”Wasiirka Macdanta Oo Walaac Ka Muujiyay Dhibka Dhulka

(Duulnews)-Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa walaac xooggan ka muujiyay dhibaatooyinka ay sababtay Bulshada oo mulkiday dhulka. Waxa uu sheegay in guud ahaan dhulkii loo sheeganayo shakhsi ahaan ama qabiil ahaan.

Madcdanta

Wasiirku waxa uu sheegay in Arrimaha Macdan baadhistu wajahayaan khatar ku saabsan lahaanshaha dhulka “Masuuliyadda Wasaaradda Macdanta ee aan anigu masuulka ka ahay dhibaatooyinka ugu weyn ee na haysta waxa weeye iska daa wixii dhulka dushiisa ahaa ee wixii aynnu is lahayn qaran ahaan aynnu ka faa’iidaysanno ee is lahayn dhulka ha laga soo saaro macdan amma batrool ha noqoto amma waxyaabo kale amma biyoba ha noqoto oo dhibaato badan ka jirto oo dhibaatooyinka dhulka innaga haystaa saamaynayso inay suurtogeli la’dahay. Haddaad is-tidhaa buur shirkad gee si ay wax innooga baadho oo qoryo lagala horimanayo oo la odhanayo waa beertii hebel; hadda waa buur. Anigu maan ogayn buurta sida loo beero, taasina dhibaato weyn bay innagu haysaa.

 

 

Banankii aannu is lahayn wax ka sahamiya qudhooda reer ahaan baa loo sheeganayaa, degmo ahaan baa loo sheeganayaa, saami baa la sheeganayaa oo la odhanayaa haddii aannu degaanka nahay geelayaga ayaa meesha daaqi jiray ee waa in aannu saami ku yeelannaa waxa meesha ka soo baxaya, markaa tii inoo soo kordhi lahayd ee khayraadka sidaas ayey dhibaatada dhulka innaga haysataa u saamaysay,” ayuu yidhi Wasiirku.

 

 

Wasiirka oo hadal ka jeedinayay shir lagu darsay dhibaatooyinka dhulka oo Burco shalay lagu soo gabogabeeyay waxa uu sheegay in Bulshada qof waliba iska Ootay dhul balaadhan islamarkaana aanu waxba ka beerayn. Waxa uu sheegay inay sii xumaanayaan meelaha laga beeran lahaa Cuntada si dalku u gaadho isku filnaansho Cunto

 

 

“Waxyaabaha u baahan in shirkan aynu isugu nimi qaraarka kaga gaadhno waxa ka mid ah in dhulkii magaalada dib-u-habayn ku samaynno. Magaalada waynnu ognahay oo wax qorshe ah ma laha, mana jiraan soone magaaleed, waxaasna waxa ugu wacan meel walba qof baa sheeganaya oo waddadii la saari lahaa ee bixi lahayd, lana qorshayn lahaa sida ay u sii socoto ayey nin meel ootay gelaysaa, markaa waa in laga duwaa, markaa haddii aynaan qorshe u eegin wax magaalo ah oo inoo dhismayaa ma jirto.

 

 

Waxa taas ka sii darran dhulkii oo laga dhigtay maalgelin oo qofkii dibadda joogay iyo kii gudaha joogay ee shillin hayeyba door-biday inuu dhulkii lacag ka sameeyo, markaa waxa dhashay sicir-barar wax la yidhaa oo hawada ka baxay oo caasimadda Hargeysa way ka dhul qaalisan tahay caasimadaha adduunyada ugu waaweyn ee New York iyo Tokyo ka mid yihiin, waana wax aan maskaxda geli karin. “

 

 

Dhinaca kale, waxa uu Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale, waxa uu tibaaxay in murannada iyo iska-horimaadyada ka dhasha arrimaha dhulku halis geliyeen ammaanka guud ee qaranka, isla markaana culays ku keeneen maxkamadaha oo shaqadii hore uga socon wayday.

 

 

“Dagaalladan iyo murannadan dhulka ka taagan ee lagu dagaallamaayo ee la isku haysto; maxkamadaheenna 90% wixii ka sarreeya haddii kiisaskeeda la eego waxaan is leeyahay intooda badan waa dhul, markaa maxkamadihiina sidaas ayey u cuslaadeen oo waxa buux dhaafiyey dhul la isku haysto. Dagaal wuu badan yahay, is-qabsi wuu badan yahay, markaa amnigii dalka ayaa khalkhal ku jira haddii aan dib loo eegi arrimaha dhulka.

 

 

Haddii aan sannadkan gudihiisa maamulka dhulka dalka dib-u-habayn lagu samayn, farahay ka baxaysa, imminka lafteedana faraha ayey ka baxday, daba-qabashana ma leh haddii aynaan inminka gelin, waxana buuggaagta innoogu yaal shuruuc badan, sidaa darteed waxa loo baahan yahay in la mideeyo shuruucdaas si aanay isaga horiman oo laga gaadho sharci midaysan iyo siyaasad sharcigaasi ka imanayo. Haddii shuruucdaas la sameeyo waxa loo baahan yahay fulin, ta dawlad ahaan aynu u baahannahayna waa fulin oo in aynnu adkayno. Haddii aanay fulintii shaqaynayn oo beel dhan kacayso oo dhibaato badan ka imanayso oo arrintii laga noqonayo, boqol sharci haddii aynnu samaynno waxba innooga qabsoomi maayaan,” ayuu yidhi Wasiir Ducaale oo si adag uga dayriyey xaaladda dhibaatooyinka ka dhasha dhulka iyo saamaynta ay ku leeyihiin horumarka dalka iyo taabba-qaadka nidaamka dawladnimo ee Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>