Cabdikariim Xuseen Guuleed Oo Shir Jaraa’id Oo Uu Ku Qabtay Magaaladda CADAADO Kaga Hadlay Umuuro Ay Ugu Mudantahay Caqbadaha Maamulkiisa Hortaagan

CADAADO:(Duulnews)-Madaxweynaha Dowlada Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa Galabta Shir jaaid ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Cadaado ayaa uu kaga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin socdaalka maanta degmada Cadaado uu kuu yimid Ra iisul wasaraha Soomaaliya, Qorshaha Xukuumadiisa iyo Gudiyo kala duwan ee la magacaabay.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in muddii uu hadda joogay ay wax badan u qabsoomen kadib markii uu la kulmay qaar ka mid ah beelaha daga gobolada dhexe, Siyaasiinta ka soo jeeda deeganada Galmudug kuwaasi oo badankooda lagala hadlay sidii ay qeyb uga qaadan laahayeen dib u dhiska deeganada Galmudug iyo gacan siinta dowlada Galmudug.

 

Sidoo kale, Madaxweynaah ayaa waxaa uu sheegay in la magacabay Gudiyo kale duwan kuwasi oo ugu horeyaan amniga dib heshiinta iyo dhaqaalaha kuwaasi oo dhamaantoda qaban doonaan shaqooyin kala duwan.

 

Gudiga amniga ayaa waxaa uu ka shaqeyn doonaa isku dhafka ciidamada ku sugan gobolada iyo dagmooyinka Galmudug.

 

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waxa uu mar kale ugu baaqay masuuliyiinta Puntland in ay ka shaqeyaan Nabadda isla markana waxaa uu carabka ku dhuftay in dowlada Galmudug ay mar walba u taagan tahay ka shaqeynta Nabadda, isagoo sheegay inay wada hadal ku dhameyn doonaan waxii ay tabanayaan Puntland.

 

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa baaq u diray Culumada Ahlusunna Wal-Jameeca kaasi oo ku aadan in ay qeyb ka noqdaan dadaalada lagu dhisayo Dowlada Galmudug isagoona intaasi ku daray in dowlada qaab nabaded ay u wajaheyso wada hadalka lala galayo Ahlu Sunna Wal-jameeca.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>