Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Oo Ka Hadlay Xaaladda Siyaasadeed Ee Dalka Iyo Mawqifka Ay Golaha Guurtidu Qaateen

Hargeysa(DUULNEWS):- Mujaahid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, oo ka mid ah siyaasiyiinta ku bahoobay madasha wada-tashiga Somaliland, ayaa ka hadlay dib u dhaca ku yimi doorashooyinkii Madaxtooyada iyo aqalka Golaha Wakiilada oo la filaayey in ay badhtamaha sanadkan ay ka qabsoomaan dalka, waxaana uu sheegay in ay ahayd in xukuumadda Siilaanyo ay ka dagaalanto in dib u dhac ku yimaado Doorashooyinka maadaama ay wakhtigii mucaaradka aad uga soo horjeedeen muddo kordhinta, waxaa kale oo uu gardaro iyo wax laga xumaado ku tilmaamay go’aanka ay Golaha Guurtidu kaga soo horjeesteen heshiiskii ay Xisbiyada iyo Xukuumadduba ka gaadheen khilaafkii Doorashooyinka ee muddooyinkii danbe dalka ka taagnaa.

 

Muj.Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlaayey magaalada Hargeysa, waxaana uu sida oo kale tilmaamay in wakhtigii ay Kulmiye ahaayeen ay aad uga soo horjeedi jireen muddo kordhinta.

“Arrinta doorashooyinka sida aan u arko iyo khilaafkaas ka yimi, waa wax laga xumaadaa, anigu imika waxaan ka imi debadda, madax badan oo ama Ingiriiska ha noqoto ama Mareykanka ahba waan soo arkay, horta Somaliland-tii aad ayaa loogu hanweynaa oo waxaa aynu ahayn dal yar oo aan Ictiraaf haysanin laakiin meel wax badan ay uga haggaageen oo ay ka mid tahay dimuqraadiyadu oo aynu meel wanaagsan ka gaadhnay, hase-yeeshee bahashii waxaad mooda in ay innaga yar cakiran tay oo dimuqraadiyada murankeedii ayaa batay, waxaa ay ahayd in khaladaadkii hore ee hore u dhacay ee ay dawladihii hore sameeyeen in aynu ka faa’idaysano ayey ahayd, markii aan annagu Kulmiye ahayn aad ayaan uga soo hor jeednay Muddo kordhinta, waxaa ay ahayd markaa in kordhis yimaado in la iska illaaliyo oo horta waajib ayaa ay ahayd, dawladuna in ay midhkaas ka dagaalanto waajib ayey ahayd, hase-yeeshee waa ay dhacday, waxna lagama qaban karayn, talaa timi oo maxaa la sameeyaa ayaa la yidhi, waxa la yidhi Komishankii ayaa hadlay oo waxaa uu yidhi Sanad, ayaanu ku darnay, sannadkaasna waxaanu ku qabnaynaa doorashadii, sheekadiina halkaas ayey istaagtay, waxay ahayd markaas muranba in aanu imanin e’ sannadkaas doorashada in lagu qaban lahaa.”.Ayuu yidhi Inna Cabdiqaadir.

 

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“Waxaana ay ahayd sadexda xisbi, waa ay qaateen, waxaana igu maqaalo ah dawladu arrintaas waa ay ogalayd oo muran kamay keenin, cida kaliya ee muranka ka keentayna waxaa ay ahayd Guurtida, Guurtiduna waatii go’aanka soo saartay ee tidhi sannad iyo Toban bilood ayaanu ku salaynay kordhinta, Sannadkaas iyo Tobankaa bilood, xikmad Allaale iyo xikmad ay ku dhisan tahay ma jirto, Guurtiduna haddii ay iyadu sharciyan leedahay in ay wax kordhiso dee waxaa ay kordhisaa waxii macquulka ah, laakiin waxaan doono ayaanu kordhinaynaa meesha kuma jirto, go’aankii Komishanka ee halkaas yaalayna in lagu dhaafo may ahayn, markii danbe hadna waa la wada hadlay sadexdii xisbi iyo dawladii oo wada-hadalkii Somaliland lagu yaqaanay, caalamkuna uu dhex galay ayey gaadheen, waxaana ay noqotay in sanad iyo Lix bilood ay arrintu ku dhammaato oo December Doorashadii la qabto, wax danbe oo muran ah oo halkaas looga baahan yahayn ma jiro.”.

 

Mujaahid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, waxaa uu ugu baaqay aqalka Golaha Guurtida Somaliland in aanay dalka galinin wax rabshad ah iyo sida oo kale waxyaabo dhibaato ku keeni kara oo ka dhasha go’aanka ay kaga soo horjeesteen heshiiskii xisbiyada iyo xukuumadda.

 

“Waxa qudha ee meesha yaala annagu haddii aanu shicibkii nahay, dadkii doorashada loo qabsanayey aanu nahay, Guurtida waxaan ka codsanaynaa oo guddoomiyaha Guurtida aanu ka codsanaynaa, ku xigeenkiisa ka codsanaynaa oo aanu leenahay waar ilmaadeerayaal mushkilad aanan u diyaar ahayn oo aan loo baahnayn, muran aan loo baahnayn, dagaal aan loo baahnayn, Illaahaybaanu idin ku dhaarinayee ha nagalinina,waxaas ay sadexda xisbi iyo dawladu isku raaceen, wax aad uga hortimaadaan ma jirto, waxa aad ugu hor timaadaan waa gardaro, waa kibir, waa dhafoor taabasho, waa xaq darro weeyaan, dalka waxa la idin ku doortay ee aad intaas ku fadhideen ee mushaaharada ku qaadataan in aad nabadiisa ka talisaan, maaha in aad idinku nabadiisa aad khal khal galisaan, walaalayaal dadka u tudha, wax farqi ah oo idinka Afartaas bilood idiin samaynayaan ma jiraan oo aad ka faa’idaysaan madax adkaan mooyaane, haddii imika sadexda xisbi iyo xukuumadduba ku heshiiyeen midhkaas ansaxiya oo sheekada halkaas ku dhammeeya, innooguna duceeya si aan halkaas uga hawl galno.”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.

 

Source :- Geeska

-

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>