Chelsea Oo Lacag Kale Soo Xareysay Ka Dib Markii Ay 10 Milyan Ginni Ku Iibiyeen Ryan Bertrand.

 

(lCBDuulnews.com) Southampton ayaa kala soo wareegtay kooxda Chelsea daafaca bidix Ryan Bertrand kaasoo u saxiixay heshiis afar sanno iyo bar ah.


25 jirkaan ayaa amaah ugu dhaqaaqay bilowgii xilli ciyaareedkan kooxda Southampton waxaana uu soo bandhigay wacdarro, taasoo ka dhigtay in kooxdiisa laga dhaliyo goolasha ugu yar ee Premier League.
Saints ayaa haatan ka faa’ideystay fursad ay heshiiskiisa joogto uga dhigaan, iyagoo 10 milyan ginni kula wareegay xiddigaan.
Liverpool ayaa isku dayday inay la wareegto xagaagii hore laakiin Chelsea ayaa ka dalbatay 8 milyan ginni.
Bertrand oo qandaraaskiisa cusub ee Southampton uu dhici doono xagaaga 2019 ayaa kooxda kowoaad ee Chelsea soo galay xilli ciyaareedkii 2011-12 waxaana uu la qaaday Champions League markii uu macalin u ahaa Roberto di Matteo.
Laakiin daafaca bidix ayaa kursiga keydka galay markii uu baxay tababaraha Talyaaniga waxaana uu xilli ciyaareedkii hore amaah ku joogay Aston Villa.
Chelsea oo 24 milyan ginni ku iibisay Andre Schurrle oo ku biiray Wolfsburg ayaa sidoo kale xareysatay 10 milyan ginni, inkasyoo 26.8 milyan ginni ay kaga baxday heshiiska Cuadrado.

Duulnews.com

Hargeisa Office

duul@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>