Ciidanka Booliska Caasimadda Hargaysa Oo Xabsiga U Taxaabay Wiil Uu Dhalay Mujaahid Axmed Mirre iyo Guddoomiyaha UK Xisbiga WADDANI OO Cambaarreeyey

news 1(Duulnews)-Waxa Arbacaddii shalay ay Ciidanka Booliska ee magaalada Hargaysa xabsiga u taxaabeen Maxamed Axmed Mirre oo ah Wiil uu dhalay mujaahidkii weynaa ee hogaaminaayey Ciiddammadii SNM ee gacanta ku dhigay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer 27-kii May 1988-kii Mujaahid Axmed Mirre.

 

 

Inkastoo aanay caddayn sababta loo xidhay Maxamed Axmed Mirre, haddana Warar xogogaal ah oo aanu xadhigiisa ka helay, ayaa waxay sheegayaan in amarka lagu xidhay Muwaadinkan uu soo bixiyey Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde iyo Saraakiil Boolis, kuwaasoo la sheegay inay ku haystaan dhul uu Muwaadinkani dhisanaayey.

 

Wararka aanu helayno ayaa waxay sheegayaan in

 

 

 

 

Maxamed Axmed Mirre lagu haysto dhul uu dhisanaayey oo uu isagu lahaa, sida ay noo xaqiijiyeen dad ay aad iskugu dhawaayeen Maxamed Axmed Mirre, waxaanay noo caddeeyeen inuu Maxamed haysto Sharciyaddii dhulkan oo dhammaystiran, isla markaana ay mulkiyaddiisa u soo Sharciyaysay Waaxda dhulka ee Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargaysa.

 

Haddaba, si aanu wax uga sii ogaano Xadhiga lagula kacay Maxamed Axmed Mirre ayaanu la xidhiidhnay Taliyaha Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal iimaan iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde, hase yeeshee maanu hellin telefoonnadoodda gacanta oo xidhnaa awgeed, balse marka ay suurto-gal noqoto waxaanu xidhiidh dambe la samayn doonnaa Masuuliyiinta ay khusayso bal in wax laga waydiin karo xadhiga muwaadinkan oo aan wax dambiya gelin sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mida ehelladiisa iyo asxaabtiisu.

 

Dhinaca kale Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ee dalka UK Muj: Xuseen Aadan Cadde oo khadka telefoonka nagula soo xidhiidhay ayaa isaguna cambaarreeyey Xadhiga sharci-darada ah ee lagula kacay Maxamed Axmed Mirre oo ah Wiil uu dhalay Mujaahid Axmed Mirre oo ahaa Taliyihii hogaaminaayey Ciiddammaddii SNM ee magaalada Burco kala wareegay taliskii dad cunka ahaa ee Af-weyne, waxaanu sheegay inaanay banaanay oo ay xaaraan tahay in qof muwaadin oo aan wax dambi ah gellin lagula kaco Xadhig sharci-daro ah, isagoo sheegay in arrintani tahay mid wada haysta Shacbiga reer Somaliland oo haba-yaraattee aanay xukuumaddani wax tix gelin ah siinayn ilaalinta Caddaalada iyo Qawaaniinta dalka u yaalla.

 

“Horta Waan Cambaaraynayaa xadhiga lagula kacay Maxamed Axmed Mirre oo ah Wiil uu dhalay Nin Mujaahid ah oo dalkan Jamhuuriyadda Somaliland taariikh balaadhan ku leh oo Naftiisa u soo hibbeeyey wakhtiyaddii Halganka qadhaadh lagula jirey Nidaamkii Siyaad Barre. Qofku dambi uu geli karraa heerkuu doonaba ha jooggee, laakiin waxa habboon in sifo caddaalada loo maro xadhigiisa oo aan la iska kaa xidhan oo dabadeed-na aan la iska kaa siidayn hadhaw. Maanta dadka reer Somaliland waxay baahi u qabaan Cadaalad iyo Sinaan, markaad eegto cabashada bulshada waxa u badan oo ay ka cabanayaan waa Caddaalada iyo Xadhig aan Sharciyad haysan oo Xaaraan ah, markaa waxaan leeyahay Shacbiga samra waydun ka bixi doontaanne, oo is-bedelka waxaad ku samayn kartaa Fartiinna ee la socda.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha UK ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mujaahid Xuseen Aadan Cadde

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>