Cillad Ku Timi Ambulance-kii Sallaxley Oo La Weriyey In Loo Xaraashayo Dhul Wadada Cad Leedahay Iyo Dadka Quus Ka Muujiyey In Wasaaradda Caafimaadku Wax Ka Qabato

(Duulnews)-Baabuurka keli ah ee gargaarka degdega ah (ambulance) ee

uu lahaa cusbitaalka degmada Sallaxley ayaa dhawrkii maalmood ee u

dembeeyey u fadhiyey cillad ku timi kadib markii uu jabay isla markaana wax

ka noqday Geer bogoska. Baabuurkan oo ah Ambulance-ka keliya ee ay degmadu

leedahay oo ay dabayaaqadii kal saddexaad [2013] ay cusbitaalka Sallaxley

ugu deeqeen hay’adda samafalka ee gaaroodi ayaa habeen saddexaadkii cillad

farsamo ku timi isaga oo bukaan u soo sida dhinaca Hargeysa waxaana wadaha

dhoolligan MAxamuud Cabdi Jaamac (Ganey) oo Saxafada Qar ka mida la hadlay uu

sheegay in aanay haba yaraatee wasaaradda caafimaadku war ka haynin

xaallada baabuurkan, iyo cillada ku timi, waxaana uu intaa ku daray in

cillada baabuurku u fadhiyaaa ay gaadhayso dhawr kun oo dollar, “Baabuurku

sida kale waa u cusub yahay ee laakiin Geer bogosyadiisa oo bilaa tayo ah

ayaa kolba is masaxa, waxaana muddo sannad iyo badh ah oo aan dirawal ka

ahaa uu immika u fadhiistay geer bogosyada” sidaa ayuu yidhi wadaha

dhoolligani, waxaanu intaa ku daray mar uu ka jawaabayay su;aal nuxurkeedu

ahayd in wasaaradda caafimaadku war ka hayso xaaladda cusbitaalka

baabuurkani ka tirsan yahay, waxaana uu yidhi ‘niyow xagga wasaaradda

caafimaadka waxba nagama soo gaadhin, warna kama hayso, marka laga reebo

lambar GT ah (Taarikada baabuurka ee dawladda) oo ay ku xidheen uun, wax

alliyaale wax kale oo ay wasaaradda caafimaadku noo qabatana ma hayno.

Arrinta baabuurkanna waxaa uu u fadhiyaa ilaa saddex kun iyo shan boqol oo

dollar, wasaaradduse waxba kama oga I ee maayarka degmada iyo shacbiga

magaalada uun baa na dhiirigeliya, isaguna doorkan wax adduun ah muu haynin

ee wuxuu yidhi balloodh uga soo iibiya dhulka wadada cadi leedahay,

balloodhkiina lama iibsanin”. Ayuu yidhi dirawalku, warku waxa uu intaa kud

arayaa in baabuurkan oo habeenno fadhiyey jidka isku xidha Caasimadda

Hargeysa iyo degmada sallaxley ay shalay u gurmadeen muwaadiniin ka mid ah

dadka deegaanku, kuwaas oo u soo jiiday dhinaca Hargeysa si loogu cillad

bixiyo, waqti xaadirkana waxa uu ku jiraa oo lagu farsamaynaa geerka Aw

Cali ee Hargeysa. Geesta kale wararka uu wargeyska HUBAAL helay afar iyo

labaatankii saacadood ee udembeeyey waxa degmada Sallaxley iyo deegaannada

Hoos yimaada ku go’doomay hooyooyin fool ah oo cusbitaalka degmadu amray in

loo soo qaado dhinaca caasimadda Hargeysa, waxaana markii La waayay

ambulance lagu soo qaado, loo soo qaylo dhaan dirsaday dhinaca Hargeysa,

waxaaana cawayskii xalay baabuur ay dad shicib ahi leeyihiin isu xilqaameen

taakuleynta Hooyooyinka foosha ah ee gargaarka degdega ah u baahan, kuwaas

oo markii dembe loola soo cararay dhinaca Hargeysa. Qaar kamid ah dadka

deegaanka Sallaxley oo arrintan ka hadlay ayaaa nasiib darro ku tilmaamay

in xukuumadda uu ka diiwaangashan yahay cusbitaalka sallaxley aanay war iyo

wacaal midna ka hayn xaalladiisa, iyaga oo ku dhaliilay gaabiska ay degmadu

ka tabanayo wasaaradda caafimaadka. Waxa kale oo ay ayaan darro ku

tilmaameen in masuuliyiinta xukuumadda xilalka ka haya ee ka soo jeeda

deegaanka Sallaxley ay ka gaabiyeen doorkoodii ku xidhnaanshaha iyo ka war

heynta dadka ay wakiilka ka yihiin, “Waa nasiib darro iyo masuuliyiintii

degmada u meteleyey qaranku ay ka hurdaan dadkoodii, taariikhduna way xusi

doontaa kuwa aqallada iyo hantida ka samaystay xilalkii ummada loogu

dhiibay si ay ugu adeegaan, waxaanse leeyahay xukuumaddu ha u deymo yeelato

xubnaha dhegaha nugul ee shacbigooda wax u qabanaya iyo kuwa dhuuniga u

dhex jooga qaranka, waayo hore ayaa looyidhi ninna dhuunuu kuu dhex joogaa

ninna dhaqasho ayuu kuugu dhabar jabay” sidaa waxa yidhi mid kamid ah

dadkii arrinta baabuurka goob joogga u ahaa ee degmada ka soojeeda, kaasi

oo aan magaciisa xusin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>