Cumar oo maanta ka qayb galay kulan qado ah oo ka dhacay makhaayad ku taala xeebta Liido

Muqdihso, Feb, 07, 2015(Duulnews)Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa maanta ka qayb galay qado sharaf uu ku marti qaaday Imaan Maxamed Yuusuf Islow, kulan kaas qadada ah ayaa ka dhacay hoteelka Beach Veiw oo ku yaala xeebta liido.

Ra’iisul Wasaaraha aya uga mahadceliyey qaban qaabiyayaasha qadada, sida wanaagsan ee ay usoo dhaweyeen martida isigu timid qadadaan, isagoona ku tilmaamay iney muujinayso ka soo qaybgalkeedu ka miro dhalinta dadaalada lagu doonayo in lagu walaaleeyo dadka Soomaaliyeed.

“Waxaa hada muuqta rajo wanaagsan oo muujinaysa in dadka Soomaaliyeed ay doonayaan iney badalaan dhaqankii waayahaan danbe kala fogeeyey Soomaalida oo ahaa in qofba deegaankiisa iska joogo, waxaa hada hortayda fadhiya madaxweynayaasha Puntland, Jubaland, iyo Koonfur Galbeed, waxayna tani tusaale u noqon doontaa in martiqaad kan la mid ah lagu qabto gobolada kala duwan ee dalka, loona wada hadlo si Soomaalinimo ah”

“War-murtiyeedkii maanta waxaa laga dheehan karaa in si wada jir ah loogu wada istaago sidii dalka loo gaarsiin lahaa higsiga 2016, taas oo qof walba oo Soomaaliyeed uu rajaynayo inuu arko Soomaaliya oo ay ka dhacdo doorashooyin” ayuu yiri RW Cumar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhanka kale sheegay inuu xalay soo magacaabay xukuumad kadib wadatashi dheer, kana rajaynayo baarlamaanka iney codka kalsoonida siiyaan si ay u qabsato shaqooyinka baaxada leh ee horyaala.

“Waxaa dib u dhac ku yimid howlihii dowlada, dalkuna ma sii xamili karo inuu saan ku sii socdo, xukuumadda aan soo dhisayna waa mid aan ku soo xulay karti iyo aqoon, hadii aan u wajano marxalada taagan si wada jir ah, dalkaan waxaan gaarsiin karnaa meel ka waangsan meesha uu hada marayo”

Ugu danbayntii Imaan Maxamed Yusuf Islow ayaa ka codsaday xildhibaanda baarlamaanka iney xukuumadda u fududeeyaan howlaha horyaala madaama Duubabka dhaqanku yihiin kuwii soo magacaabay xildhibaanada ayna mudan tahay iney tixgalin siiyaan codsigooda.

–DHAMAAD—

Waaxda Warfaafinta ee Xafiiska RW
Muqdisho, Soomaaliya
media@opm.gov.so

IMG 5092

IMG 5106

IMG 5157

IMG 5160
IMG 5186

IMG 5194

IMG 5198

IMG 5211
IMG 5220

IMG 5258

IMG 5262

IMG 5298
IMG 5414

IMG 5434

IMG 5471

IMG 5472
IMG 5478

IMG 5483

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>