Daawo : Ivanovic Oo Laga Yaabo In Ganaax Uu Kala Kulmo FA-ga Ingiriiska , Waxa Uu Ceejo Ku Qabtay James McCarthy

ivooo

12-February-2015 Thrusday

Hargeisa (Duulnews) Daafaca kooxda Chelsea ee Ivanovic ayaa halis ugu jira in lagu rido ganaax dhowr kulan ah oo uu uga maqnaanayo kooxdiisa ka dib markii uu ku xad gudbay laacib ka tirsan Everton

Chelsea ayaa dhamaadkii ciyaarta uga badisay Everton hal gool oo nadiif ah waxaana u dhaliyay Willian daqiiqadii 90-aad ee dhamaadka ciyaarta iyadoo uu qeyb ka ahaa kulankaas wareegga 25-aad ee horyaalka Ingiriiska .

Daily Mail ayaa sheegeysa in FA-ga Ingiriiska laga yaabo in saacadaha soo socda ay ganaax ku ridaan Ivanovic ka dib xad gudubkii uu ku sameeyay James McCarthy .

Kaamirooyinka garoonka ayaa qabtay muuqaalka Ivonovic oo cunaha ka haya James McCarthy isla markaana ku sameeyay ficil shabaha in uu teesto ku dhufanayo oo kale .

Garsooraha ayaan dhacdadaas arag , waxaana xusid mudan in weli Ivonovic loo jeedin eedeyn rasmi ah oo ku aadan arinkaas,Halkan ka daawo.

Deeq Osman

Duulnews

Hargeisa Office.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>