Daawo: Wasiir Cukuse Oo Ka Hadlay Arimaha Doorashooyinka,Eedaynta Mucaaradka Iyo Wasiiradii Xilalkooda Tiriyay

asiirka Warfaafinta Somaliland C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay in madaxweyne Siilaanyo iyo cuqaasha iyo culimo aw diinka gobolka Awdal ay isku afgarteen in wixii tabashooyin ah la dhameeyo. Wasiir Cukuse oo ka mid ah weftiga uu hogaaminayo madaxweyne Siilaanyo oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Togwajaale ayaa waxa uu tilmaamay in ay soo bandhigeen cuqaasha Awdal in madaxweyne Siilaanyo yahay madaxweynaha kaliya ee wax ka qaban kara tabashadooda. Wasiir Cukuse oo arrintaasi ka hadlayaan waxa uu yidhi “Madaxweynuhu waxa uu kulan balaadhan kula yeeshay magaalada Boorama odayaasha, waxgaradka iyo culimo awdiinka kulankaas waxa ay madaxweynaha isku waydaarsadeen arrimo la xidhiidha xaalada gobolka Awdal iyo horumarintiisa, odayaashu waxay halkaa ka soo jeediyeen talooyin wax ku oola oo mabdiiyan fikrada ay qabaan iyo dacaayada gobolka laga fidiyo sida ay u kala duwan yihiin, waxa ay sheegeen in gobolka Awdal yahay gobolada ugu nabadoon ee Somaliland ee ku taama horumar, xukuumadana uga mahad naqaya waxa ay u qabatay.” Wasiirka Warfaafinta waxa uu tilmaamay in madax dhaqameedka Awdal Madaxweynaha u sheegeen in tabashadoodii cadowgu ka faa’iidaystay. waxaana uu yidhi “Waxa kale oo ay sheegeen tabashooyinkii barigii dhawayd salaadiinta gobolka Awdal u soo gudbiyeen Madaxweynaha inay ahaayeen tabashooyin la mida sida bulshada kale ee Somaliland u gudbiyaan laakiin uu cadawgu ka faa’iidaystay, imikana ay raali ka yihiin Madaxweynahana ay og yihiin in u diyaar u yaha in wax ka qabto intii suurtagal. waxa kale oo ay sheegeen in tabashooyinkoodu aanay ahayn tabashooyin wakhtigan madaxweyne Siilaanyo ku qaloocday ee ay yihiin tabashooyin muddo soo qaloocanayay laakiin Madaxweyne Siilaanyo oo madaxweynaha Somaliand u doorteen in uu yahay Madaxweynaha kaliya ee ay is yidhaahdeen xal buu u heli karayaa, Madaxweynuhuna waxa uu balanqaaday inuu fulin doono oo wixii suurtagal oo uu wax ka qaban doono.Hargaysa(Duulnews.com)Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa markii u horaysay ka hadashay masuuliyiin maalmihii u dambeeyay iska casilay Xukuumada Kulmiye iyo mawqifka adag ee Mucaaradku iska taagay Doorashooyinka oo wakhtigooda dib uga dhaca.

 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, oo Hargeysa kula hadlay saxaafadda ayaa ka hadlay aragtida Xukumadda ee Iscasilaada Masuuliyiinta kala ahaa Wasiir Cabdicasiis Samaale iyo Abiib Diiriye Nuur “Cabdicasiis Samaale Wasiir Muhiim ah buu ahaa, Nin aanu saaxiib nahay ayuu ahaa,Waa wasiirkii Maaliyadda, wuxuu ahaa Aasaasayaashii Kulmiye, Imikana maan maqal inuu yidhi Kulmiye waan ka baxay, mana filayo inuu isaga yahay qofka yidhi Dabaakhiin baa badan. Cabdicasiis waxaanu leenahay waa Kulmiye, Kulmiye-na wuu Isqabtaa,marka dambena waa heshiiyaa”. Ayuu yidhi

 

 

 

 

Mr Cukuse.

 

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa ka jawaabay hadal Abiib Diiriye Nuur Sheegay markii uu xilka iska casilay oo ahaa in dad badani dalka u taliyaan “Markuu Isaga Magacaabay hadduu u yaqaanay Kuug kaliya, Marka uu maanta ka tagayna waa Kuugii kali ahaa, markaa haddii marka la magacaabayana Madaxtooyadu qurux badan tahay markuu ka tagana Cabdicasiis ay la fool xumaato…Abiib waxaanu leenahay waa Kuugii kali ahaa uun” ayuu yidhi Wasiirku.

 

Mawqifka Isbahaysiga Mucaaradka eek u Aadan dhisida dawlad wadaag ah 26 June kadib Wasiirku waxa uu ka soo horjeestay Dalabka Mucaaradka Somaliland.

 

“Dalkeenan waynu joognaa oo Daqiiqad ma dawlad la’aanayo, Daqiiqad u eekaan mayno kuwaas(Somalia) aynu jaarka nahay, Illaahayna inagama yeelo, dalkeenu wuxuu leeyahay Goleyaasha qaranka ee Wakiilada,Guurtida iyo Xukumadda oo ku fadhiya Kalsoonida Shacabka” ayuu yidhi Wasiir Cukuse, isagoo intaasi raaciyay inaanay afka Mucaaradka ku wanaagsanayn Odhaahda ah ma aqoonsanayno Xukumadda kadib 26-ka June.

 

Mudane Cabdillaahi Cukuse, waxa uu ka hadlay Mawqifka Madasha iyo Mucaaradku isku bahaysteen “Midnimada iyo Midawga hal mar uun baan jecelahay, oo waa marka Shacabka Somaliland midoobayaan. Marka ay Mucaaradku midoobayaan oo mabaadii isku mid ah yeelanayaan oo hal magac la baxayaan, hal calan yeelanayaan, hal gudoomiyena yeelanayaana waynu sugaynaa”ayaa uu yidhi

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>