Daawo:Reer Hargaysa Oo Si Weyn Usoo Dhaweeyay Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Iyo Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gama’diid.

Hargaysa: (Duulnews)- Salaadiin,Siyaasiyiin,dhalinayro,Haween,Aqoonyahano iyo Wax-garad kale oo aad u tiro badan ayaa maanta Magaaladda Hargaysa waxay si weyn ugu soo dhaweeyeen Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gama’diid iyo Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo kasoo kicitimay dhinaca Maamul-goboleedka Somalilyeed ee Puntland oo Bilihii ugu danbeeyay uu Abwaanku ku xidhnaa.
Suldaanka iyo Cuqaasha kale ee lasocotay oo Warbaahinta Madaarka dhexdeeda kula hadashay ayaa si weyn uga mahadcelisay sidii Karaamadda iyo Maamuuska lahayd ee loogu soo dhaweeyay Magaaladda Garoowe,waxaanay sheegeen in loola dhaqmay si Xushmad iyo Qadarini ku jirto,isla markaana si aan shuruud lahayn looga aqbalay Codsigoodii ahaa in farta laga saaro Abaan Cabdiwaaxid Cali Gama’diid.
Dhinaciisa Abwaanka ayaa Gabay layaab leh u tiriyay reer Puntland,kana mahad-celiyay sida loola dhaqmay intii uu iku sugnaa Deegaamadaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>