“Dacaayadi Doorasho waxba kaagama tartmo”.Gudoomiye Cirro

Beenin(Duulnews)-Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ah gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),ayaa warar ay warbaahinta Xukuumadda gacan saarka la leh ay daabaceen ku tilmaamay been abuur iyo dacaayo aan ka leexinayn hanka iyo himiladda Umadda reer Somaliland ee ah samaynta is-bedel togan oo dalkan iyo dadkan ka tisqaada.

War qoraal ah oo uu goor dhawyd ku baahiyay barta uu xidhiidhka bulshadda ee Facebook,waxaana uu u qornaa sida tan “Been-abuur kasta & Dacaayado loo sheego Shacabka Qiimaha leh ee Somaliland waa qaar aan Cidna wax u tarayn, siina raagayn. hadii lays leeyahay Dacaayado ayaa Shacab wax lagaga dhaadhicinayaa ama lagu soo jiidanayaa, taasi waa mid gaf ku ah Caqliga & Garaadka Shacabkeena. Shacabkeenu wuxuu usoo joogay waqtiyo doorashooyin oo badan iyo Xisbiyo aan Kalsooni badan ku qabin Codka Shacabka.

Xisbiga WADDANI wuxuu markasta ixtiraamayaa dhamaan Axsaabta Qaran & Masuuliyiiinta Qaran dhamaantood, Waxaanuna diyaar u nahay Doorasho Xor oo Xalaal ah oo aan Xagxagasho lahayn”

.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>