Dawlada Isutagga Imaaraadka Carabta Oo Joojisay Hawlgaladii Milatari Ee Dhinaca Cirka Ah Ee Kooxda ISIL Daacish.

aushaDubai-(Duulnews)-Dowlada Isutagga Imaaraadka Carabta UAE oo ka mid ahayd isbahaysiga weerarada cirka ah ku qaadayay ururka ISIL ayaa joojiyay ka qeybgalka weerarkaas kadib markii la qabtay duuliyihii u dhashay dalka Jordan ee Mucaad bishii December.

Labo sarkaal oo Maraykan ah ayaa laga soo xigtay in wadanka Khaliijka ku yaal UAE kana mid ahaa huwanta weerarada xagga cirka ah ku qaadeyay Daacish ay u joojisay sababo la xiriira amaanka duuliyaasheeda haddii diyaaradaha ay duulinayaan la soo rido.

Duuliye Mucaad oo u dhashay dalka Jordan ayaa la gubay isagoo nool ku dhowaad bil markii ay ururka ISIL gacanta ku dhigeen markii la soo riday diyaarad uu duulinayay.

Saraakiishan Maraykanka ah oo diiday in la shaaciyo magacyadooda sababo la xiriira inaysan lahayn awooda ay warka ku bixiyaan ayaa waxaa warkan ka soo xigtay jariirada New York Times.

Wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta UAE ayaa dalbatay in Maraykanka uu hormariyo dadaalkiisa badbaadinta ah marka la soo rido diyaarad gaar ahaan isticmaalka V-22 Osprey diyaarada loo yaqaan oo hadda saldhig u ah Kuwait, waxana ay saraakiisha warkan laga soo xigtay sheegeen in dowlada UAE dooneyo in diyaaradahaas la keeno Waqoyiga dalka Ciraaq si ay u sahlanaato raadinta iyo badbaadinta duuliyaasha.

Diyaaradahan loo yaqaan Ospreys ayaa u duula sida diyaaradaha caadiga ah hase ahaatee waxa ay dhulka ugu degi karaan sida diyaaradaha helikabtariska ah.

Inkastoo dowlada Imaaraadka ay joojisay ka qeybgalka weerarada ka dhanka ah ISIl ayaa dowlada Maraykanka waxa ay warbixinada ay siiso saxaafada ay marwalba ku soo dartaa in Imaaraadka uu ka qeybqaadanayo howlgalada duqeynta ah ee lagu qaado dagaalyahanada ururka Daacish.

Duqeymaha ay huwanta Maraykanku horkacayaan ayaa ku qasabtay ururka ISIL inuu dib ugaga gurto magaalada Kobane halkaa oo dagaal qaraar kadib gacanta ku dhigeen Kurdiyiinta.”

Deeq Osman

Duulnews

Hargeisa Office.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>