Dawladda Kenya Oo Xidhay Xisaabaadka 86 Qof iyo 13 Xawaaladdood iyo Xawaaladdaha Oo Ka Hadlay

news 1(Duulnews)-Wasiirka Arrimaha gudaha Kenya, ayaa shaaciyay in dawladdiisu xidhay Xisaabaadka Bangiyada ee 86 Qof iyo 13 Xawaaladdaha Lacagta ah oo ay ku jiraan Xawaalado Soomaali ah oo Caan ah.

Dawladda ayaa ku doodaysa in Shirkaddahan iyo dadkaniba Cilaaqaad la leeyihiin Ururka Al-shabaab ee gudaha Somalia ka dagalaama, haddana weerarada ka gaysta gudaha Kenya. Al-shabaab ayaa weerarkii todobaadkii hore ee Jaamacadda Garissa ku dishay 148, arrintaasi ayaa sababtay baadhis dheeraad ah oo Kenya samaysay iyadoo dhawaana ay shaacisay inay dadka la shaqeeya Shabaab ay soo bandhigi doonto.

 

Cabdi Cali Maxamuud, afhayeenka Xawaaladdaha Soomaalida oo fadhigiisu yahay Dubai, ayaa sheegay in amarka shaqo joojintu soo gaadhay, waxaanu ku dooday inaanu ahayn amar ku salaysan Caddaalad. Waxa uu sheegay inay hanaanka sharciga mari doonaan si looga qaado Xayiraadda, isagoo sheegay inaanu aqoon u lahayn Shakhsiyaadka la hakiyay Akoonnadooda.

 

“Waxay yidhaahdeen Liiska waxaa ku qoran Shirkaddo looga shakisan yahay inay Al-shabaab Cilaaqaad la leeyihiin iyo Shakhsiyaad. Macluumaad la hubo maaha ee waa hordhac oo waxa weeye uun Shirkaddo la yidhi waa laga Shakisan yahay, waana go’aan gole wasiiro ah soo saaray oo Bangiga dhexe ee Kenya loo gudbiyay, Bangiguna sidaasi uu ku soo saaray Liiskan Shirkaddaha laga shakisan yahay in shaqada laga joojiyo ilaa amar dambe”,ayuu yidhi Mar Cabdi Cali oo VOA la hadlay.

 

Afhayeenka ayaa la waydiiyay talaabada ay qaadayaan maadaama Kenya Amarkan soo saartay “Kolay wadanku Qawaaniin iyo Sharci ayuu leeyahay, waxaana la marayaa dariiqii Sharci, mana ah in shaki uun loo xidho ganacsiga iyo shaqo ay ku nool yihiin bani’aadam badan, mana filayno in Dawladda Kenya ay tuhun iska xidhi doonto Xisaabadka Shirkaddaha, waxaanan filaynaa inaan muddo dheer aanay sii xodhnaan doonin”

 

Afhayeenka oo la waydiiyay faraqa u dhexeeya Xawaaladdihii Soomaalida ee Maraykanku xidhay iyo kuwa Kenya xidhay ayaa ku jawaabay “Runtii Waddamada reer Galbeedka marna ma dhacdo inay sidan oo kale sameeyaan, waa laga yabaa in Shirkad ama shakhsi la baadho laakiin,ma dhacdo Ciqaab wadareedkan oo kale ah oo Shirkaddu tuhun shaqadooda loo xayiro”

 

Soomaalida iyo ganacsatada ayaa si aada ugu xidhan hanaanka lacagaha la iskugu diro Xawaaladdaha, iyadoo la filayo inay saamayn ku yeelan doonto dadka Soomaalida ah ee Kenya ku sugan iyo kuwa Eheladooda Lacagaha uga dira.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>