Dawladda Uganda Oo Heegan Buuxa Ka Gashay Weerraro AL-shabaab La Damacsan Tahay

uganda(Duulnews)-Booliska dalka Yugaandha, ayaa sheegay inay heleen xogo muujinaya weeraro Al-shabaab la maagan tahay Xarumo waxbarasho oo dalkaasi ah.

Taliyaha Booliska Uganda, ayaa sheegay in Macluumaadka ah hayaan tibaaxayaan in Al-shabaab ay weerraro la damacsan tahay Xarumo waxbarasho oo ku yaala jidka isku xidha Magaalooyinka Kampala iyo Jinja.

Taliyaha booliska Uganda, Kale Kayihura, ayaa sheegay in Uganda ay hadda ku jirto feejignaan sare oo ku aadan arrimaha amaan darro ee ay filayaan.

Khamiistii lasoo dhaafay, al-shabaab ayaa weerar ay ku qaaday jaamacad ku taalla magaalada Gaarisa ku dishay 147 qof.

Weerarkaasi ayaa dhacay ka dib markii ay dowladda Britain, Kenya uga digtay weerarro uga iman karo Shabaab, balse madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa ku gacan saydhay digniinta Ingiriiska dalkiisana mid amaan ah ku sifeeyay.

Weerarkii ugu dambeeyay ee ay Shabaab ku qaado Uganda ayaa dhacay sanadkii 2010-kii, waxaana ku dhintay dad ka badan 70 qof.

Wadamada Uganda iyo Kenya, ayaa bartilmaameed u ah weerrarada Al-shabaab kadib markii Ciidamada wadamadaasi gudaha Somalia kula dagaalayeen Al-shabaab tan iyo 2011-kii.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>