Deg Deg: Gudigii Komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Kulan Deg Deg Ah Hotel Ambassador Isku Yeedhay Saddexda Xisbi Qaran

Here available News, Spotrs, cultures, and social science(Duulnews)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa caawa kulan la yeelanaaya Guddoomiyayaasha saddexda Xisbi qaran ee Somaliland.
Kulankaas oo ka dhacaya Hotel Ambassador ee Magaalada Hargaysa abaaro totobada habeenimo ee caawa, ujeedda kulankaas ayaa la sheegayaa inuu daaran yahay in

Xubnaha Komiishanka Qaranku ay madaxda Xisbiyada u soo bandhigayaan sidii looga wada shaqayn lahaa wixii caqabad ku noqon kara geedi socodka hanaanka ay ugu jiraan qaabkii ay u soo bandhigi lahayeen wakhtiga ay qabsoomayso Diiwaangelinta Codbixiyaasha Doorashooyinka, taas oo horseed u ah wakhtiga Doorashada Madaxweynaha iyo ta Barlamkaanka ay Dalka ka dhacdo.
Sida ila wareedyo lagu kalsoon yahay sheegayaan qaar ka mid ah Guddida Doorashooyinka Qaranka ayaa malmahan safar ugu maqnaa Wadanka Kenya, halkaas oo ay kulan kula yeesheen Hay’addaha dhinaca dhaqaalaha Diiwaan gelinta codbixiyaasha Doorashada ka taakulaya, taas oo u muuqata in Guddidu warbixin ka siinayso Hogaanka Xisbiyada arimaha ay kala soo kulmeen, taas oo warbixin kooban ka siin donaan wixii ay labada dhinac isla soo qaateen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>