Deg Deg: Mucaaradnimo Hor Leh Oo Ku Bilaamantay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo,Labada Xisbi Mucaarad Iyo Madasha Wadatashiga Ah Oo Maalinta Barri Is-baysi Ku Dhawaaqaya

ISBAHAYSI(Duulnews)-Labadda Xisbi Mucaarad ee WADDANI Iyo UCID iyo weliba madasha wadatashiga & toosinta qaranka ayaa Maalinta beri munaasibad baaladhan ku qabanaya Hotel

Mansoor ee Magaalada Hargeysa.

Ujeedka munaasibadan ayaa lagu macneeyay midow mucaaradnimo iyo isbaahaysi sidii Labada Xisbi iyo Madashu isaga kaashan lahaayeen doorkooda mucaaridnimo,taas oo labada Xisbi waa WADDANI iyo UCID’e iyo Odayaasha madasha ku midoobay ay midaynayaan fikirkooda Siyaasiga ah ee ku wajahan xaalada Waddanka uu haatan ku jiro, iyaga oo xoojinaya il ku haynta ged-gedoonka wakhtigan xaadirka ah ka muuqda hab-hogaamineedka Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee talada Dalka.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>