Deg Deg: Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Ay Ilaaladda Madaxtooyaddu Garaaceen Iyo Wasiir Waran-cadde Oo Cisbitaalka Ku Booqday

Hargaysa: (Duulnews)- Xil. Xasan Cawaale Caynaan oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee laga soo doorto Gobolka Gabiley,ayaa la sheegay in qaar ka tirsan Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadu si daran u garaaceen.
Wararka Warbaahinta soo gaadhaya ayaa sheegaya in Xildhibaanku isaga oo kasoo baxaya Madaxtooyadda uu arkay Xildhibaan kale oo ka tirsan Golaha Wakiiladda oo ay garaacayaan Ilaaladda Madaxtooyaddu,isla markaana uu u holaday in uu kala dhex galo,balse ay taasi dhashay inay isagana garaacaan,gaadhsiiyaana dhaawacyo culculus.
Xidhibaanka ayaa haatan dhaawacyadii soo gaadhay u Jiifa Cisbititaalka weyn ee Mgaaladda Hargaysa,waxaana halkaas ku booqday Wasiirka arimaha Gudaha iyo qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka,Saxaafadda iyo Dadweyne kale.
Ilaa hadda ma jirto cid si rasmi ah uga hadashay dhacdadan ugubka ka ah ee lagu bahdilay Xildhibaanada Xasaanadda leh ee codka shacabka ku yimid.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>