Deg Deg:Weerar Xoogan Oo Lala Beegsaday Hotel Ku Yaala Magaaladda Muqdisho

news1(2).jpg(Duulnews.com)-Wararka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax laga maqlay inta badan Magaalada Muqdisho uu galabta ka dhacay dhabarka dambe ee Hotelka Maka Al Mukarama ee Bartamaha Magaalada Muqdisho.
Warar kala duwan, ayaa ka soo baxaya qaabka uu u dhacay qaraxaasi. Wararka qaar waxay sheegayan in uu ahaa gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo la soo dhigay dhabarka dambe ee Hotelka.
Qaraxa ka dib, ayaa waxaa halkaasi laga maqlay rasaas xoogan. Wararka qaar waxay sheegayan in niman hubeysan ay gudaha u galeen Hotelka Maka Al Mukarama, isla-markaana uu iska horimaad ku dhex marayo Ciidanka Ilaalada Hotelka.
Dad fara badan oo aaggaasi ka dhawaa, ayaa la soo sheegaya in ay ku kala yaaceen, iyadoo ay ku sii jeedaan Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida iyo Booliska Gobolka Banaadir.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>