“Dhiirigelinta Dhalinyaradu waa Mudnaan Muhiimad weyn leh” Xirsi Cali X. Xasan.

Hargaysa: (Duulnews)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda JSL, Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,ayaa si kooban uga hadlay Muhiimadda auy dhalinyarada iyi ubaxa soo koraya u leeyihiin Ciyararuhu.waxa uu sheegay in Qofka dhalinyaradda ah ee inta badan Isticmaala Ciyaaraha iyo Jimicsiga uu ka Caqli iyo jidhba wanaagsan yahay dhiggiisa aan isagu samayn Jimicsiga iyo ciyaaraha kala duwan.
Wasiirka ayaa sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook-ga,waxaana uu yidhi:“Waxaa farxad ii ahayd in aan shalay boqolaal dhalinyaro ah kala qaybgalay dhamaadka tartan kubada cagta ah oo ka socday garoonka Xawaadle ee Caasimada Hargeysa.

Hadaba, kahor intii aanu bilaabmin kulanku ayaan dhalinyarada kala hadlay muhiimada cayaaraha iyo sida jimicsigu uu kaalin wayn uugaga jiro dhismaha jidhka iyo dabcan caqliga qofka waxaanan sidoo kale isla garanay in sunaha kubadu tahay in maalina guushu ku raacdo maalina walaalkaa raacayso ee aanay ahayn cadaawad iyo colaad.

Waxaan aaminsahay in qofka dhalinyarada ah ee isticmaala jimicsiga iyo spoortiga qaybihiisa kala duwan uu marwalba ka caqli iyo jidhba wanaagsan yahay qofka isagu ku mashquula balwadaha noocyadeeda kala duwan.

Intii kulanku socday ayaad arkaysay dhalinyarada oo soo bandhigaya farsamooyin iyo xirfado aad u heersareeya sidoo kalena muujiyey bislayn spoorti oo aad u soo jiidanayey dhamaan daawadayaashii soo buux dhaafiyey garoonka.

Waxaan sidoo kale bogaadinayaa dhalinyaradii soo qabanqaabisay wareegan mudada badan socday oo runtii muujiyey dhabar adayg iyo masuuliyad dheeraad ah waana astaan wanaagsan oo muujinaysa hogaamin wanaagsan,

Dhiirigelinta iyo barbar joogida dhalinyaradu waxay muhiimad weyn kaga jirta xukuumada tallada haysa sidoo kale in loo sameeyo qorsheyaal horumarineedna waa mudnaanta dawlada.

Dhalinyarada Somaliland meel ay joogaanba waxaan u rajaynayaa mustaqbal iftiin badan”.

Wa Bilaahi Tawfiiq

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>