Diyaarad Sidday Madaxweynaha Kenya Oo Dib Looga Soo Celiyey Dalka Imaaraadka Carabta

(Duulnews)-Ciidamada Cirka ee Dalka Imaaraadka Carabta, ayaa dib u celiyey Diyaarad sidday Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyata, sida ay warbaahinta Dalkaasi caddeeyeen.

Kenya

Xiliga la celinaayay ayaa waxa ay diyaaradaasi kusii jeeday magaalada Dubai, waxaana lagu amray inay dib uga baxdo Hawada dalkaasi, kana degto garoonka diyaaradaha ee Jommo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Sidoo kale, Qoraal ka soo baxay afhayeenka Madaxtooyada Kenya Manoah Esipisu ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu ku sii jeeday magaalada Dubai si uu uga sii gudbo magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka.

 

‘‘Kadib markii aan maqalnay warar sheegaya inuu sii siyaaday dhaq dhaqaaqii militari ee dalka Yemen hawadii la sii marayana ay caqabad kasoo baxday ayaa la go’aansaday in dib loo noqdo’’ ayaa lagu yidhi qoraalka.

 

Diyaaradii waday madaxweynaha ayaa muddo kadib dib ugu soo laabatay magaalada Nairobi.

 

Madaxweyne Uhuru ayaa lagu wadaa inuu magaalada Los Angeles uga qayb galo shir madaxeed looga hadli doono sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha waa weyn ee dunida kajira.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>