Duulimaadyada Saldhiga Maraykanka Ee Jabuuti Oo La Sheegay Inuu Halis Ku Jiro

Jab(Duulnews)- Jabuuti ayaa habacsanaan lagu eedeeyay hanaankeeda kala hagista Diyaaraddaha, sida lagu sheegay Warbixin laga soo xigtay Militariga Maraykanka ee halkaasi Saldhiga Ku leh. Warbixinta ayaa sheegaysa in feejignaan la’aanta Ilaalada Madaarku halis galinayso Duulimaadyada.

Warbixinta oo ay daabacday jariidadda Washington Post ee carriga Maraykanka, ayaa soo xiganaysa dokumentiyo milatariga ay qoreen iyo khubaro dhinaca duulista hawada ah, waxayna sheegtay in shaqaalaha hagista diyaaradaha ee saldhigga milatariga Camp Lemonnier ee Jabuuti inay ka gaabiyeen hagista diyaaradaha iyagoo ku mashquulsan ciyaaraha Muuqaalka ah ee lagu madadaasho, telefoonno, hurdo ama qaarkood oo qayilaad ku jira.

Washington Post waxay sheegtay in xaaladdani ay abuurtay qaylo-dhaan ay sameeyaan duuliyayaasha marka ay hawada galaan iyo xataa inta aanay duulinba. Waxay sheegeen in Shaqaalaha kala hagista Diyaaradduhu iska dhago tireen talooyin ay soo jeediyeen la taliyeyaal oo ku aadan in shaqaaluhu wanaajiyo shaqadooda amniga diyaaraddaha

Warbixinta ayaa lagu sheegay in sannadkii 2013-ka diyaarad sidday madaxweynaha Jabuuti ay ku sigatay inay ku dhacdo diyaarad ay leedahay shirkadda Kenya Airways.

Sarkaal u hadlay safaaradda Jabuuti ee Washington ayaa warbixintan ku gacansaydhay, isaga oo sheegay in garoonku yahay amni, waxaana uu sheegay in haddii shaqaalaha haga diyaaradaha ay hurdaan ama qaad cunaan uu maalin walba shil dhici lahaa,balse aanay jirin shil diyaaradeed oo Jabuuti ka dhacay tan iyo markii ay xorriyadda qaadatay.

Ciise Daahir Buraale, Qunsulka Maraykanka u jooga Jabuuti, ayaa arrintan la xidhiidhiyay in Xoghayaha Maraykanku tagayo Jabuuti dhawaan arrintaasina wakhtigan ku soo beegtay eedaha Jabuuti loo jeediyay “Arrintan Maraykan oo dhami ma qabaan, Saldhiga Maraykanku wuxuu yimid Jabuuti 11-2000, markii dhibaatada weyni ku dhacday, waxaana inay Jabuuti soo degaan u ogolaaday Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele,markaa hadda waxay uga jeedaan baan filayaa xogyaha arrimaha dibada Maraykanka ayaa 5-da May tagaya Jabuuti, markaa arrintaas bay borobagaando u sii samaynayaan oo durbaan u garaacayaan baan u malaynayaa laakiin, wax Maraykan oo dhami ka siman yihiin maaha”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>