Nuxurka Kulan Dhexmar Gudoomiye Cirro Iyo Madaxda Wasaaradda Arimaha Dibadda Ee Dalka Turkiga

Kuu(Duulnews)-Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (cirro),ayaa kulamo la qaatay Madaxda dalka Turkiga,gaar ahaana Wasaaradda arimaha dibadda ee dalkaasi.

Sida uu Gudoomiyuhu ku sheegay barta Xidhiidhka Bulshadda ee Facebook,waxay labada dhinac is-la soo qaadeen Xoojinta Xidhiidhka wada shaqayneed ee Labada Dal.

Waxaana uu qoraalkaas oo dhamaystiran u dhignaa sida tan : “Waxaan la kulmay masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda Turkiga gaar ahaan Wasaaradda Arimaha Dibadda.

Arrimaha aanu ka wada hadalnay waxaa ka mid ahaa:

-Xoojinta xidhiidhka soo-jireenka ah ee kadhaxeeya Somaliland iyo Turkiga,

– Kordhinta kaalmada mashaariicda horumarineed ee Turkigu siiyo Somaliland,

– Kordhinta deeqaha waxbarashada ee la siiyo Somaliland, iyo

– Iskaashiga baarlamaanka JSL iyo ka turkiga iyo inay baarlamaanka JSL tababaro ku qaataan dalka Turkiga

– Ka war-haynta Doorashooyinka Somaliland ee Madaxtinimada iyo Golaha Wakiilada ee inagu soo fool leh.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>