Edmonton:- Jamaal Ali Husein Oo Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyay Edmontan, Canada

(Duulnews)-Waxa habeenkii xalay ahayd ee ay taariikhdu ahayd 18/04/2015 kaqabsoomay magaalada EDMONTON xaflad ilyartu isaqabatay oo kadhacday ST JOHNS CULTURAL CENTRE.

jaaaaa

xafladan oo ay soo abaabuleen dhamaan taageerasha xisbiga cadaaalada . dimuqaraadiyada. iyo daryeelka ee ucid laantiisa Edmonton. Musharaxa Madaxweynaha aqoon-yahan Jamaal Cali Hussein ayaa waxa loogusoo dhaweyey si heer qaran ah muujinaysan in reer Somaliland meel ka soo wada jeedaan.

 

Xafladan oo uu hogaaminayey gudoomiyaha ururka dhalin yarada ucid ee reer Edmonton ayaa waxay u dhacday sidan:

 

Xafladan ayaa waxa laga jeediyey khudbado kala duwan oo dhinac walaba taabanaya waxaana ugu horayntii aayadaha quraanka kariimka ah ku furay cabdi qaadir ibrahim mogeh maadama aynu nahay umad muslimin ah. Khadbadii oo sii socata ayaa waxa hadalo

 

qurux badan oo dhamaan gilgilay shacabka reer Somaliland soo jeediyey gudoomiyaha

 

 

 

 

gudida qabanqaabada ahna gudoomiye ku xigeenka Goblka Alberta ee xusbiga cadalada iyo daryeelka (ucid) mudane: mohamoud Ahmed xayd (mohamoud qori)

 

Kaas oo soodhaweyey dhaman ka soo qaybgalayaashi iyo madaxdii kale duwayn ee kasoo qayb gashay Iyo kooxdii soo qaban qaabisay xaflada gaar ahaan haweenkii iyo dhalinayadii sida hagar la,aanta ah maalka iyo maskaxdooda muruqooda ugu huray qabsoomida xafalada soona jeeday habeen iyo dharaarba waxa kale oo uu gudoomiyuhu ku dheeraday in ay taaganatahay maalintii loohilinalah xisbiga ucid gaar ahaan aqoonyahan Jamal Ali Hussein oo ah ninka manta uu ubaahanayahay wadankeenu .

 

Waxa kale oo madasha ka hadlay dad aad ubadan oo kamida ahaa madaxda ucid iyo marti sharaf aad ubadan waxana madaxdii kamid ahaa marwo Asha Koosaar oo baaqdheer udirtay umada Somaliland inay wakhtigii isbadalka dhabta ah rRight Change waxa kale oo kada hadlay Ibrahmid abdiqaxar , cornel Mohamed Isxal oo kasheekeyey taariikhdii dheeray ee lasoomaray waxa kale oo ka hadlay godoomiya Magaalada Calgary ahna madaxda Xibiga cadaalada iyo daryeelka UCID Gudoomiyah Gobolka Alberta ee jaliyada Somaliland Awar Sheekh Waxa kale oo kahadalay suldaan Abdilaahi Osmaan waxa kale oo ka hadlay odayaal madaxdhaqameed aad u tiro badan waxa kale oo ku

 

soodhaweyey Gudoomiyah Xisbiga UCID Alberta kamaal Ali Jire oo kusoodhaweyey Murashaxa Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID Dr Jamaal Ali Hussein oo qudbad aad udheer kajeeyey madasha oo uu kaga hadlay xaalka wadankii hooyo iyo qorshihiisa siyaasadeed ee uu wadanka ku hagi doono hadii uu ku guulaysto doorasha soosocota Waxana uu halkaa ka balan qaaday in uu wax qabandoono cadaalada ,

 

ladagaalnka musuqmaasaqa shaqo abuurka dhalinta manta badaha ku daadanayso kobcinta dhaqaalaha dadlka tayanta waxbarashada dalka furida schoolka farsamada gacanta, siyaadada arimadaha dibada oo uu siqotodheer usharaxay waxa kale oo ka hadalay dakada berabera iyo dabinka ay xukumada kulmiye u maleegtay iyo boobka hantida qaran iyo waxayaalo aad ubadan oo

 

kale oon halka lagu soo koobi Karin . waxanay habeenkani haa mid kaduwan habeenadii soomaray jaliyada somalilnd oo

 

noqotay mid kulmisay yar iyo weyn sheikh iyo shariif , haween dhalinyaro iyo guud ahaan bulshada kale duwen eek u nool Canada Gaar ahaan Albrta iyo nawaaxigeeda xalafladan oo ahayd tii ugu horaysay ee lagu qabto magaladan Edmonton ayaa waxa ka muuqatay farxad iyo kalsooni aad u faro badan dad waynaha reer Somaliland ee ku dhaqan magaladan Edmonton waxayna ahayd mid ay aad u la dhacsanyihiin muujisayna ina ay midaysay Bulashada Somaliland oo ay meel uga soo wada jeedaan Qadyada Somaliland waxyna xafaladani ku dhamaatay jawi aad u wanaagsan

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>