“Fikirka Aasaaska Hay’adda Diwaanka Sekadu Wuxuu Madaxweynaha Ku Dhashay Socdaaladiisii uu waddanka meelo badan ku maray” Gudoomiyaha Diwaanka Sekeda

Diiwaanjka(Duulnews)-Guddoomiyaha Hay’adda Diiwaanka Sekeda Qaranka Sheekh Siciid Maxamed Faarax, oo ka soo laabtay Shir lagaga hadlayay taakulaynta dadka tabaalaysan oo Dubai lagu qabtay ayaa bulshada ugu baaqay inay ka taageeraan sidii

hawlaha seko Ururinta loo magacaabay loo fulin lahaa.

Sheekh Siciid, waxa uu ugu horayn sheegay in Madaxweynuhu aasaasay Hay’ad muhiim ah “Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha Somaliland ee aniga iyo culimada kaleba noo magacaabay xilka Hay’adda Diiwaanka Sekada, isagoo arkay baahida dalka iyo dadkuba u qabaan in si degdega dadka masaakiinta ah iyo dadka baahan saboolnimada looga saaro oo wixii loo qaban karo loo qabto, kadib socdaalladiisii uu waddanka meelo badan ku maray ay fikraddaasina ku dhalatay, wasiirkii ay khusaysayna kala hadlay, taas oo keentay in la sameeyo Xafiiska Diiwaanka Sekada, waxaanan Ilaahay ka baryayaa in xilkaas nagu asturo.” Ayuu yidhi Sheekh Siciid.

 

Sheekh Siciid Waxa uu bulshada u soo jeediyay inay bixiyaan Sekeda ay Hay’addani ururinayso “Qofku keligii waxba ma qaban karo, annagana haddii aanay bulshadu gacanta na qaban oo aanay waxba nala qaban kii talo haya iyo kii tusaale hayaba dadka sekadu ka baxaysaana aanay diyaarin sekadoodii, haddaan bulshadu gacmaha is wada qabsan oo aanay arrinta sekada meel uga soo wada jeedsan masxaf la furay iyo culimo la magacaabay wax weyn samayn mayso, markaa waxaan dadweynaha ka codsanayaa inay na barbar galaan oo niyad wanaagsan nagula shaqeeyaan, shaqaduna markay cusub tahay iyo marka qof kale kugu wareejinayo way kala duwan tahay. Hawl ayaannu hadda bilaabanaynaa, waqti badan ayeyna qaadanaysaa, samir ayaanay u baahan tahay, markaa dadkuna waa inay noo samraan, ducadana nagu kaalmeeyaan inta hawluhu isku dubba dhacayaan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’adda Diiwaanka Sekada Qaranka Somaliland.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>