Fu’aad Aadan Cadde Oo U Jiifa Dhaawaca Gaadhi Madaxtooyada Ku Jiidhay

Fau'aad(Duulnews)-La Taliyaha Madaxweynaha ee Gobolada Bariga Dalka Fu’aad Aadan Cadde, ayaa dhaawac ka soo gaadhay baabuur la sheegay inuu ku jiidhay madaxtooyada dhexdeeda u yaalla cisbitaalka gargaar ee magaaladda Hargeysa oo lagu daweynayo.
Fu’aad Aadan Cadde oo aanu khadka Telefoonka ku waraysannay, ayaa sheegay in uu hadda yaalo cisbitaalka oo uu ka jaban yahay bawdada Bidixda oo uu gaadhiga jiidhay ka jebiyey, kaas oo uu tilmaamay inuu watay wiil dhalinyaro ah, balse ay hadda xaaladdiisa caafimaad iska wanaagsan tahay.
La Taliyaha

Madaxweyn

aha ee Gobolada Bariga Dalka Fu’aad Aadan Cadde oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Gaadhi ayaa i jebiyey oo dhakhtarka ayaan aallaa, baabuurkaasna waxa lahaaa nin dhalinyaro ah oo isaga oo dib u soo baxaya ayuu i jiidhay, mana ahayn ka maayirka oo waxa lahaa nin dhalinyaro ah, waxaanan wax ka qabaa bawdada xaga bidixda oo wanan jabanahay, xukuumaddu way iga war haysaa oo dhakhtarka ayaan allaa, shilkaasina si kedis ah ayuu iigu dhacay shilkaasi” ayuu yidhi La Taliyaha Madaxweynaha ee Gobolada Bariga Dalka Fu’aad Aadan Cadde

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>