Fulinta Qisaasta Gacan-ku-dhiigleyaasha Xabsiyada ku Jira oo Hal-xidhaale ku ah Madaxweyne Siilaanyo

QisaastaHargeysa(Duulnews/Yool)-Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland, ayaa xukunno Dil iyo Xadhig dheer isugu jira ku riday Saddex Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska, kuwaasoo ay ku jiraan laba Askari oo ka tirsan Booliska Degmada Sabo-wanaag ee Gobolka Maroodi-jeex oo midkood Toogasho ku dilay Alle ha naxariistee Ganacsade Xuseen Gacma-dheere. Sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Maxkamadda oo ay shalay baahisay Idaacada Dawladdu Maxkamadda sare ee Ciidamada ayaa ku xukuntay Dil toogasho ah, Gacan ku dhiigle Maxamed Cabdillaahi Cabdi oo ay hore Maxkamadda derejada koowaad ee Ciidanku ugu heshay dabiga ah inuu gacantiisa ku toogtay Ganacsade todobaadkii hore lagu dilay Deegaanka Qoton-dabo.


Sidoo kalena waxay Maxkamadda sare ee Ciidamadu xadhig 15 sano ah ku xukuntay Alifle Maxamed Axmed Ismaaciil oo ay Askariga Dilka lagu xukumay ku wada sugnaayeen Kantaroolka Qoton-dabo, kaasoo ay isna cadaatay inuu ka qayb-qaatay dilka Ganacsade Gacmo dheere, isla markaana Maxkamadd derejada koowaad Ciidanku ugu riday xadhig toban sanno ah.
Geesta kalena, sida lagu sheegay warka ka soo baxay Maxkamadda Ciidamaddu, Askariga Saddexaad ee ay Maxkamadda sare dilka xukuntay ayaa, fal dil ah ka geystay Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, halkaasoo sida Qaraarka Maxkamadda lagu caddeeyey uu qof shicib ah ku dilay bilihii la soo dhaafay. Ma jirto faahfaahin dheeraad ah oo ay Maxkamaddu ka bixisay xukunka lagu riday saddexda askari, taasoo ku saabsan inay rafcaan ka qaateen Maxkamadda iyo in kale.
Go’aanka Maxkamadda sare ee ciidamada soo saartay , ayaa dhaqan-galkiisu ku xidhanyahay, marka uu Madaxweyne Siilaanyo qalinka ku duugo in toogasho lagu fuliyo labada Askari ee gacan ku-dhiigleyaasha loo aqoonsaday, kuwaasoo isla markii uu xukunku ku dhacayba lumiyey xasaanadii Ciidanimo ee ay lahaayeen.
Sidaasoo ay tahay jaran-jarada sharci ee fulinta xukunka qisaastu, Dadweynaha reer Somaliland, ayaa maalmahan si aad ah u hadal hayay waxa ay dawladdu ka yeellayso dilalka sida ula kaska ah u dhaca ee ay Ciidamada amnigu ku kacaan, kana kala geysteen dhexdooda iyo shacbiga, siiba kan ugu dambeeyay oo saameyntiisu ka miisaan cuslaatay Kiisas dhacay shantii bilood ee u dambeeyay, kana mid yihiin Sarkaalkii lagu dilay Magaalada Gabiley, toogashooyin kala dambeeyay oo ka dhacay Ceerigaabo, Hargeysa iyo Burco isla sanadkii 2014-ka, iyo falkii lagu khaarajiyey labadii Sarkaal u sareeyey Guutadii 17-aad ee Ciidanka Qaranka, kuwaasoo isku maalin lagu dilay Saldhiga Ciidanka ee degmada Qorulugud.
Doodda Shacbiga ee ka dhalatay Dilalka ayaa muujinaysa wel-wel xooggan oo xagga nabad-gelyada saameyn ku leh. “Walaahi hadii aan dil lagu fulin Askartaas, inaanay ciidanku midh ka reebayn shacbiga” sidaasi waxa yidhi Mid kamida Bulshada ku dhaqan caasimada Hargeysa oo hadal haynta dhacdadan u dambeysay ka dooday. Marka laga hadlayo doodda ka taagan Dilkan u dambeeyay ee shacbiga dhexdiisa, waxa muuqanaysa baahida loo qabo in qaranku go’aan ka gaadho Arrinta dilka oo lagu fuliyo qisaas dadka u xidhan dambiyadaas ee xabsiyada ku jira.
“Intii ay Xukuumadda Siilaanyo jirtay qof qudha dil laguma fulin, waxaana dhacay dilalkii u badnaa, markaa taasi waxay ina tusaysaa ku dhac la’aanta Xukuumadda” ayuu yidhi mid kamida aqoonyahanada oo ka cudurdaartay in magaciisa la shaaciyo.
Tirada Askarta Dil-sugeyaasha ah ee saddexdii sannadood ee u dambeeyay Maxkamaduhu xukumeen, ayaa gaadhaysa nus-dersin, hadaanay ka badnayn-ba. Waxaana la qiyaasayaa inay ka badan yihiin dadka shacbiga ee lagu xukumay falalka noocaas ah muddada aan xusnay.
Sidaas darteed ayaa sidoo kale loo arkaa inay xaalad abuurayso, hadii qof ama laba gacan ku-dhiigle oo qudha lagu fuliyo xukunka qisaasta, si taasi looga hortagana waxa khasab ah in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo qalinka ku wada duugo dhamaan kiisaska dil-sugeyaasha ah ee horyaalla, kuwaasoo xataa hadii aanay gaadhsiinin Hay’addaha ku shaqada lihi, ay tahay inuu isagu ka dalbado.
Sababtoo ay tahay? Hadii ay fulinta kiisaska dilalku u dhacaan sida ay Diinta Islaamka iyo Shuruucda dalku u jidaysay, waxa meesha ka baxaysa xanta beryahan dambe laysla dhex marayay ee sheegaysa inay Hay’addo ajaanib ahi dawladda ka hortaaganyihiin inay gudato waajibkeeda qanaaniga ah. Hay’addaasoo sida la sheego Xabsiyada ku masruufta Dadka u xidhan Xukunnada dilka ah, kagana gaashaaman in Badhka la taago.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa badhtamihii sanadkii 2014-ka wareegto uu soo saaray ku amray in la fuliyo Kiisaska dilka ah ee ka soo baxa Hay’addaha Garsoorka, si loo yareeyo qudh-gooyada sii badanaysa ee rayidka dhexdiisa. Soo jeedinta Wasiir Waran-cadde ayaan ilaa hada u eekayn arrin lagu camal-falay oo aan waxba ka bedelin dhibaatadii ka dhawaajisay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>