“Go’aanka Axsaabtu Wuxuu Ku Liddi Yahay Go’aankii Maxkamadda Dastuuriga Ah”. Dr. Cabdi Aw Daahir

 

Hargaysa: (Duulnews)-Wasiirka Shaqadda iyo arimaha Bulshadda ee Somaliland,Md. Cabdi Aw Daahir,ayaa ganafka ku dhuftay go’aamaddii ay maanta soo saareen Is-bahaysiga Mucaaradka Somaliland,waxaana uu ku tilmaamay qaar ka hor imanaya Dastuurka iyo Qawaaniinta Dalka u taala.

Wasiirka ayaa sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay Barta Xidhiidhka Bulshadda ee FACEBOOK-ga.

“GOAANKA AXSAABTU WUXUU KU LIDI YAHAY GOAANKII MAXKAMADDA DASTUURIGA WAAYO HAYADAHA CAALAMIGU MAAHA GOLE SHARCI EE WAA CAAWIYAYAAL.

Waxaan akhriyay goaamada ka Soo baxay Shirkii xisbiyada . Marka laga tago qodobada tororogta u badan iyo qodobka afraad oo ah mid ay axsaabtu Ku xadgubtay qodob Dustuuri ah . Waxaanu isla oggolayn sida heshiiska Ku qoran :

 

  1. In la ixtiraamo goaankii Guurtida
  2. In axsaabtu Ka heshiiyeen waqtiga Doorashada

 

Haddaba Madaxweynuhu Wuxuu Ku dhawaaqay in waxaynu Ku heshiinay laga ansixiyo golaha Baarlamaanka (GUURTIDA), halka ay axsaabtu qodobka shirkooda Maanta u NUXURKA ahaa waa arrinkii aan Ku heshiinay aan dawlada kale u bandhigno. Maaha mid SUURAGAL AH, WAXTAR AH, SHARCIGA WAAFAQSAN”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>