Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo soo dhoweeyay ansixinta Golaha Wasiirada Somalia.

un
Hargeisa (DUULNEWS).Qaramada Midoobay - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa  soo dhaweeyay ansixinta golaha wasiirada ay Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya dhanka kalena carabka ku adkeeyay baahida loo qabo xukuumadda federaalka si loo dardar-gaarsiinta aragtidiisa 2016.

War-saxaafadeedkan oo kasoo baxay, Golaha Ammaanka aya hoosta ka xariiqay ahmiyada ay leedahay hoggaan siyaasadeed ee cusub ee Somalia si deg deg ah la gaarsiiyo meelaha mudnaanta, oo ay ku jirto marinka ee sharci oo muhiim ah in la dhiso Guddiga Qaranka ee Madaxbanaan ee Doorashooyinka, horumarka xagga dhismaha iyo xoojinta maamul goboleedyada ku meel gaarka ah , xasilinta dhulka laga qabsaday kooxda xagjirka ah ee al-Shabaab, oo u bilaabay fulinta iyo dib u eegista dastuurka kumeelgaarka ah, dib u dhac la’aan dheeraad ah.”

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isniinta meel mariyay liiska cusub ee golaha wasiirada 66-xubnood ee uu  soo gudbiyay ra’iisuluhu, in hab casri ah u dhiso dowlad si buuxda u shaqaysa.

Golaha wasiirrada ee cusub ayaa  isla markiiba la dhaariyay, waxaana laga filayaa inay wax ka qabato arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin dhisidda Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka iyo Federaalka si ay u diyaariyaan dalka afti dastuurka ku meelgaarka ah iyo doorashooyinka  guud ahaan dalka ka dhici doona. 2016.

Somalia ayaa la daalaa dhacaysa  inay samayso hanaan dawladladnimo oo  shaqaynaysa oo leh hannaanka lagu samaynayo dowlad cusub firirtay halgan awoodeed  tan iyo markii ay qasantay xukuumadii Ra’iisul Wasaarihii hore  Cabdiweli Sheekh Axmed codka kalsoonida baarlamaanka waayay December 2014.

Deeq Osman

Duul News

Hargeisa Office

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>