Golaha Guurtidda Oo Markale Ganafka KU Dhuftay Inay Dib Uga Laabteen Go’aankoodii Cayimidda Xiliga Doorashooyinka Madaxtooyadda Iyo Wakiiladda.

Hargaysa: (Duulnews)-Golaha Guurtidda Somaliland ayaa markale ku adkaystay in aanay dib uga laabanayn go’aankii ay Xukuumadda iyo Wakiiladda mudo kordhinta ugu sameeyaan,kaas oo ay ku sheegeen inay Doorashadu Dalka ka qabsoomto Sanadka 2017-ka.

Afhayeenka Golaha Guurtida Somaliland Cabdiqaadir Maxamed Xasan (indho-indho) oo maanta Warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in aanay habayaraatee aanay suural ahayn inay goluhu dib uga laabtaan go’aankooda,waxaana uu intaas raaciyay in Heshiiska Xisbiyada Iyo Xukuumaddu uu sharciyadda Dalka baalmarsanyahay.

Go’aanka ayaa kusoo beegmaya xili maalmihii ugu danbeeyay ay Gudiga Doorashooyinka Qaranku kulamo gooni-gooni ah la yeelanayeen Xukuumadda iyo Xisbiyadda Qaranka,iyaga oo ka wada hadlayay sidii xal looga gaadhi lahaa Is-marinwaagga Siyaasadeed ee ka taagan xiliga qabsoomidda Doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Wakiiladda,waxaanay arintani u muuqataa mid sii dheeraynaysa uun muranka iyada oo ay wali Komishanka doorashooyinku sugayaan in xal siyaasi ah la helo si ay shaqadoodu si habsami ah ugu socoto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>